Dagaal saakay dib uga qarxay deegaanka Deefoow gobolka Hiiraan

by admin | Saturday, Mar 21, 2015

Beledweyne : HN :–Wararka naga soo gaaraya deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan ayaa Wararka laga helayo saaka waxay sheegayaan inay dib uga qarxeen dagaallo beeleedyo dhowr jeer soo laalaabtay, iyadoo dagaallo culus ay ka socdaan saakay deegaankaas.

Iska-horimaadkan oo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha rasmig ah ee ka dhashay ayaa haddana waxay wararka la helayo sheegayaan2015321635625043962840620Deegaanka_Deefoow_Gobolka_Hiiraan in khasaare ay ka mid yihiin dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyay.

Sidoo kale, dagaalkan dib uga soo cusboonaaday gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xilli toddobaadyadii lasoo dhaafay ay deegaanka ka jirtay xaalad deggenaasho ah, kaddib markii labada beeleed la kala dhex-galay.

Deegaannada Deefoow iyo Kab-xanleey oo 40-km dhinac Waqooyi ka xigta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waana deegaan ay ku soo laabaateen dagaallo beeleedyada.

Ugu dambeyn, dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somalia iyo kan dalka Jabuuti oo ay ciidamadiisu ka howlgalaan gobolka Hiiraan ay baaq lagu joojinayo colaaddan ujeediyeen waxgaradka dhinacyada deegaannadaas ku dagaalamay ay joojiyaan colaadda.

Wixii warar ah ee soo kordha waan idin soo gudbin doonaa….

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!