Dagaal saakay dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

by admin | Saturday, Nov 28, 2015

Gaalkacyo : HN :– Wararka xiligan naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug , ayaa sheegay in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidammada dowlad gobolleedka Galmudug iyo Puntland uu saakay mar kale dib uga qarxay magaalada.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ka bilaawday suuqa lagu magacaabo Darxumo oo kala qeybiya labada dhinac, kaa oodeg-deg21 saakay ay gudaha u galleen ciidammada Puntland si ay fariisimo uga sameystaan, hasse ahaatee waxaa ka hortagay ciidammo ka tirsan kuwa Galmudug, waxaana halkaa ka bilaawday is rasaaseyn culus.

Odayaal iyo waxgarad ku howlanaa dhax-dhaxaadinta labada dhinac ayaa saacado ka hor inta uusan dagaalku bilaaban ku dhawaaqay in lagu kala tagay waan-waantii laga dhax wadday labada dhinac, siddaa daraadeed mar walba la filan karo dagaal mar kale dib u qarxa.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in la maqlayo hub culus oo ay isku ridayaan dhinacyada iska soo horjeeda, guud ahaanna magaalada waxaa ka jira foojignaan dheeraad ah.

Dagaalka saakay dib uga bilaawday Gaalkacyo ayaa imanaya xili ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo xiligan ku sugan Garoowe uu raadinayo xal kama danbeys ah oo loo heli colaada ka soo dhax cusboonaatay maamulada Puntland iyo Galmudug, isaga oo la filayo in saacadaha soo socda uu tago magaalada Gaalkacyo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!