Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna oo ka qarxay Dhuusa-mareeb

by admin | Saturday, Dec 13, 2014

Dhuusa-mareeb : HN :– Dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka una dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo ayaa saakay ka qarxay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud, kaddib markii xoogagga Ahlu Sunna ay weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Dagaallka saakay ka qarxay degmada Dhuusa-mareeb, ayaa la sheegay in uu ahaa mid daba-joogay dagaal shalay gallinkii danbe ka dhacaydagaal degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna.

Goob joogayaal ku sugan degmada Dhuusa-mareeb, ayaa sheegay in inta badan magaalada hadda ku sugan yihiin lana wareegeen ciidamada dowladda, iyadoo dibada looga saaray magaalada xoogagii Ahlu Sunna ee saakay weerarka ku qaaday fariisimaha ciidamada.

Dagaalladan ayaa salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo bilihii ugu danbeeyayba ka dhax oognaa maamulada iska soo horjeeda ee halkaa ka wadda dhisan oo ay kala hogaaminayaan mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka iyo saraakiisha Ahlu Sunna.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idin soo gudbin doonaa…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!