Dagaal xalay ka dhacay dulleedka magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Jul 6, 2014

Muqdisho : HN : – Dagaal culus oo dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga xarrakada Al-shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaannka Siinka dheere ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dagaalka ayaa qarxay sidda dad goob joogayaal ah sheegeen kadib markii ay Al Shabaab weerareen fariisimaha ciidamada dowladda ciidamadadowladaSoomaaliya ee degaanka Siinka-dheer.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka inkastoo wali wax hadal ah aan ka soo bixin Saraakiisha dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ayaa siweyn ugu soo noq-noqda deegaannada ay dowladda maamusho, iyadoo aad moodo in xoogaga Al-shabaab dib isku soo abaabulayaan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!