Dagaallo ciidammada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga Beledweyne

by admin | Thursday, Aug 6, 2015

Beledweyne : HN :–Dagaallo culus oo dhaxeeya  ciidammada dowladda oo ay wehliyaan kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM iyo Al-shabaab, ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararka dagaal  ayaa ka dhacay  nawaaxiga  degaanka {Nuur fanax} oo qayaastii  45 KM u jirta Beledweyn dhinaca Koofureed ,

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaayo halka lagu sheegay in uu dagaalka ka dhacay wararka qaar waxa ay shegayan in ay dhacadayDagaal-Beeleed-300x225 duqeyn ay geysteen diyaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka  kuwaas oo ay wateen ciidamada AMISOM

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa bilaabay howl gallo la isugu furayo wadada isku xirta Beledweyn iyo Buulo- Burde, halkaasoo dheer fariisin u aheyd xoogagga Al-shabaab.\

Dhinaca kale, wararka ka imanaya deegaannada galbeedka gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya ciidammada huwanta iyo Al-shabaab ku dagaalameen deegaanno ay ka mid yihiin Buq-goosaar, Ceel-hellay, iyo deegaanno, kale kuwaa oo dhamaantood soo gallay gacanta ciidammada dowladda.

Howl gallada ay wadaan ciidamada huwanta ayaa maalmihii la soo dhaafay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo Xarakada Al-Shabaab ay muddooyinkii u dambeeyay luminayeen deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!