Dagaallo culus oo ka soconaya xadka gobolka Galguduud uu la wadaago ismamulka Somalida Itoobiya

by admin | Friday, May 29, 2015

Galguduud : HN :– Dagaalo ayaa maalintii saddexaad dib uga qarxay degaanada dhaca xadka u dhexeeya gobolka Galgaduud iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Meelaha dagaalada laga soo sheegayo ayaa waxaa ka mid ah, Dhagax-bareeym Kheydara, Isma-dhaafa iyo meelo kale oo u dhow xadka Gobolka Galgaduud iyo degaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Waxgarad ka mid ah dadka halkaas degan ayaa sheegay in ay maqlayaan hubka culculus iyo kuwa fud fudud oo ay isku adeegsanayaandhuusamareeb1-620x264 dhinacyada dagaalamaya.

Waxay xuseen inay haatan ku howlan yihiin aasida dadka ku geeriyooday dagaaladii shalay iyo dorraad ka soconayay goobahaasi oo uu qeexay inay heli waayeen fursado ay ku soo qaadaan balse iminka ay u suura gashay.

Maalmihii la soo dhaafayba waxaa dagaallo ka soconayeen Xadka kala qeybiya dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo Gobolka Galgaduud kuwaas oo u dhexeeyay Ciidamada Liyuu Police iyo maleeshiyaad is abaabulay oo degaanadaas ka tirsan

Waxaa dagaaladaas ku dhintay dad aad u fara badan oo qiyaasatii boqol ku dhow halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo maamulka dowlada ee gobolka Galgaduud ay Liyuu Police ku eedeeyeen iney xasuuqeen dad shacab ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!