Dagaalyahanno ka tirsan Ahlu Sunna oo la wareegay degmada Dhuusa-mareeb

by admin | Sunday, Jun 7, 2015

Dhuusa-mareeb : HN :–Waraka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay gacan ku heynta degmada la wareegeen xoogag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

Xoogaga la wareegay Dhuusa-mareeb ayaa ka soo duulay sidda wararku sheegayaan  degmada Guri-ceel, iyaga oo weerar culus ku qaaday saldhigyada ciidammada dowladda ee degmad.

Ciidamada dowladda ayaa wali ka dagaalamaya qeybta looga baxo magaalada ee wadada aada Caabudwaaq, sidoo kale waxaa dagaal uudagaal-beeleed ka socdaa Guriga Guddoomiyaha Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo hada ku magaalada Jigjiga..

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Ahlusuna ku qaado Dhuusa Mareeb, tan iyo markii magaaladaas horaantii sanadkan uu ka furmay shir dib u heshiisiin, lamana oga sababta ka dambeysa weerarkan, iyadoo horay u jiray heshiis laga gaaray dagaalkii Guriceel

Ciidamada dowladda iyo Ahlusuna ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay degmada Guriceel, halkaasoo labada dhinac midba mar uu la wareegay, waxaana jiray heshiis ay wada galeen Ahlusuna iyo wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga, kaasoo lagu soo afjarayay dagaalka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalka waan idin soo gudbin doonaa….

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!