Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda

by admin | Tuesday, Oct 7, 2014

Baay : HN :– Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in ilaa afar ruux oo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab isku dhiibeen ciidammad dowladda ee ku sugan gobolka.

Guddoomiyaha deegaannka Goofgaduud ee dowladda Soomaaliya Axmed Max’ed Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in ragga ka tirsanaaal-shabaab_somalia1 Al-shabaab ee isku soo dhiibay si wanaagsan loola dhaqmay.

”Ragga ka tirsan Al-shabaab ee isa soo dhiibay waxaa ay wateen hubkoodii, runtii wanaagsan ayaay ula dhaqanna, waxaana ka rajeynayaa in dhalinyarrada kalana ay is soo dhiibaan ayuu yir,” guddoomiyaha deegaanka Goofguduud.

Isa soo dhiibistan ayaa ku soo beegantay xili saacadihii ugu danbeeyay Al-shabaab laga wareegay deegaanno dhowr ah gaar ahaan  saldhigoodii ugu weynaa ee degmada Baraawe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!