Dahir Jeesow oo mudanayaasha ugu baaqay inay faragelinta ka dhaafaan xukuumada

by Yahye | Thursday, Jan 15, 2015

Muqdisho: HN.- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay xildhibaanada qaar inay iska daayaan is xulufeysiga ku aadan carqaladeynta xukuumada cusub, isagoona u sheegay xildhibaanada in loo baahan yahay in Cumar C/rashiid iyo xukuumada cusub uu soo dhisay la siiyo waqti howshooda qaran ay ku gutaan.

Xukuumada uu soo dhisay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa caqabado kala kulmeysa qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliiya iyagoo ku goodinaya inaysan codka kalsoonida siineyn hadii la horkeeno.

Daahir Jeesow ayaa tilmaamay in fara gelinta laga daayo xukuumada cusub, baarlamaanka caadi laga dhigo si howsha qaran si wanaagsan loo gudo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho dhawaan ayaa sheegay inaysan codka kalsoonida siin doonin Wasiirada cusub, sabab ay ku sheegeen in balanta uu kaga baxay ra’iisal wasaaraha cusub Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Madaxweynahya iyo ra’iisal wasaaraha ayaa si wadajir ah uga dalbaday xildhibaanada Baarlamaanka inay meel mariyaan Xukuumada cusub si howshooda qaran u gudaan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!