Dal Ba`ow yaa ku leh ? WQ: Hirabe

by Yahye | Wednesday, Jan 14, 2015

Maqaal; HN;- Waxaad wada ogsoontihiin in Xildhibaanada Dowlada Fedrallaka ee 275 ahi in aay sitaan inta ugu badani jinsiyado Shisheeye oo kala duwan. Waxaa ilaa iyo hada la ogyahay in 168 xildhibaani aay sitaan jinsiyadaha Yurub oo ay Qaxooti Cayr ku nool ah ahaayeen hadana Dhiylo iyo Babaay ku noolyihiin.

Kuwo kale waxaay sitaan Baasabooro USA iyo Kanada halka 32 xildhibaani aay sitaan dalalka Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti, kuwa reer galbeedka sitaa waxaa aay u soo dhaarteen in aayan ka horimaan marna danaha dalalka aay Passaporadooda soo qaateen. Waxaa lagu dhaartaa marka aad jinsiyadaada ka tageeysid oo aad qaadaneeysid mida reer galbeedka in aadan ka horimaan marna danaha dalka jinsiyada aad ka qaadaneeysid,hadaba sidee ugu shaqeeyn karaan xildhibaanadaa danaha iyo dhisida qaran Somali ???

Haddii aad u fiirsato Madaxweeynaha Somaliland (Siilaanyo) waxaa uu sitaa Passapor Ingris ah halka Cali Khaliif iyo Cabdiweli M.Cali Gaas aay sitaan Passaporo USA. Sii soco ilaa iyo Gaandi oo waliba u asagu ku faano in u ilaaliyo danaha Shirkadaha Shidaalka Qodda. G. Barlamaanka Jawaari waxaa uu sitaa Passapor Nowegian halka inta r/wasaare ee dalka soo maray aay wateen jinsiyado kala duwan sida C/weli Sheekh julka uu watay passapor Kanada sida oo kale Saacid waxaa uu sitay Kenyaan iyada oo la ogyahay in C/weliga Puntlandna uu sitay USA sida oo kale Maxed Cabdullahi Farmaajo uu watay Passapor USA  r/wasaaraha maantana uu sito Passapor Kanada ah sow lama dhihi karo dal ba “ow yaa ku leh ????

Nin walbaa oo xildhibaan ah caruurta iyo xasaska aay qabeen waxeey ugu soo tageen Yurub,USA,Kanada ama dalalka deriska ah sida Kenya iyo Jabuuti,side Somali wax ugu sugtaa kuwa gabay waajibkii ilaah saaray ee aheeyd xanaaneeyta iyo badbaadinta kuwa dhabarkooda ilaah ka soo gooyay,waxaa la dhahaa waxii la qaariyaba qaawisaa timid ,waxaa haboon in dalka kuwa u soo shaqo tagay in il gaarah lagu fiiriyo,dastuurka qabyo qoraalkana lagu daro in qof sitaa Passapor aan Somali aheeyn xil loo dhiibin,dalka waxaa uu ka dagi la yahay kuwa qurbaha ku raagay jecelna in aay u shaqeeyaan dalalka aay u soo dhaarteen,Norwey waa dalka bixiya mushaarka xildhibanda dowlada federaalka Jawaarine lagama yaabo in uu ka horimaado marna danaha fog ee Norwey sabbabta oo ah waxaa uu sitaa jinsiyada Norwey sida oo kale wax ka dagaalamaya buuraha galgala dowlada USA waxaay u aqoon santahay in C/weli M Gaas uu yahay ninka u maamula Puntland,Shariif Xassan waxaa uu sitaa Passapor Jabuti halka Axmed Madoobe uu sito Passapot Ethiopia dal ba”ow yaa ku leh ??

Dr.Ali.A.Hirabe

Hirabe_a@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!