Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo kala saxiixday dhismaha dhuumo shidaal qaada

by admin | Sunday, Oct 11, 2015

Muqdisho : HN ;–Waddamada Itoobiya iyo Jabuuti oo daris ah ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya dhaqaale gaaraya 1.55 bilyan oo doollar, kaasoo lagu dhisayo dhuumaha shidaalka qaada, kuwaasoo ay dhisayso shirkad lagu magacaabo Black Rhino Group.

Saxiixa heshiiskan oo dhacay maalmo ka hor ayaa lagu dhisayaa dhuumo ay dhererkoodu dhan yihiin 55-km, waxayna dhuumahan tagayaan dekedda dalka Jabuuti, halkaasoo laga dhoofinayo shidaalka la marsiinayo.jabuuti-itoobiya-heshiis-1

Dhismaha dhuumahan ayaa la qorsheynayaa in la dhameystiro sanadka 2018-ka. Waxayna tallaabadani imaanaysaa xilli dowladda Itoobiya ay shaacisay inay sannadaha soo socda ay billaabayso dhoofinta gaaska dabiiciga ah.

“Waxay dhuumahani kordhin doonaan amniga shidaalka, waxay kaloo sare u qaadayaan horumarka dhaqaalaha, iyagoo ka hortagaya waxyeellada dadka ku nool deegaannada ay marayaan,” ayuu war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri maareeyaha Afrika ee shirkadda Black Rhino, Brian Herlihy.

Mashruucan oo loogu magac-daray Geeska Afrika Pipeline ayaa waxaa dhismahooda ka mid ah, kayd shidaal oo laga dhisayo Dameera-joog oo ku taalla dalka Jabuuti, taasoo lagu kaydin doono shidaal dhan 950,000 oo barmiil oo shidaal ah iyo sidoo kale kayd kale oo laga dhisayo Awash, Itoobiya.

Sidoo kale, dhuumahan ayaa 240,000 barmiil oo shidaal ah ay mari doonaan maalin walba, iyadoo loogu talo-galay dhuumahan inay 30-sano shaqeeyaan. iyadoo habkan lagu sheegay midka ugu weyn Geeska Afrika.

Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeya heshiisyo fara badan oo xiriirka labada waddan ee ganacsiga iyo isku socodka dadka lagu xoojinayo, iyagoo qorsheynaya inay dhawaan dhisaan khad tareen oo isku xiraya caasimadaha labada waddan ee Addis Ababa iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo RW Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa goob-joog ka ahaa xaflad lagu saxiixayay heshiis ay labada waddan ku dhisanayaan khad tareen oo dhirirkiisu yahay 752-KM kaasoo dowladda Shiinaha ay bixinayso lacagta lagu dhisayo, isla markaana ay iyadu dhisi doonto.

Dhanka kale, Maareeyaha guud ee dekedda Jabuut, Abuubakar Haaddi oo isagana hadal ka yiri dhismaha tareenno isku xiraya Jabuuti iyo Itoobiya ayaa sheegay inay qorsheyanayaan in tareennada la dhisayo ay isku xiraan labada dal, ayna u gudbi doonaan inay gaarsiiyaan dalka Koonfurta Suudaan illaa dalalka Galbeedka Afrika sida Gacanka Gini.

“Waxaanu durba noqonnay illinka Itoobiya. Waxaan doonaynaa inaan sii wadno dhismaha kahdka tageenada oo aan gaarsiinno, dalalka Koonfurta Suudaan, jamhuuriyada Bartamaha Afrika iyo Cameroon si aan isugu xirno badda cas iyo Badweynta Atlantic-kada,” ayuu yiri Abuubakar Haaddi.

Ugu dambeyn, Jabuuti oo ah waddan ugu baaxad yar dalalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa  waxaa ka socda barnaamijyo horumarineed, kuwaasoo ay ka mid yihiin; lix dekedood iyo laba garoon oo kuwa diyaaradaha ah, iyadoo rajeynaysa inay noqoto xarunta ganacsiga gobolka Bariga Afrika.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!