Dalka ugu nasiibka darran adduunka, WQ: Deeq Y. Ducaale

by admin | Thursday, Sep 22, 2016

Standleyville waa magacii hore ee magaladdan aan daganahay ee Kisangani, magacani oo ka imid biyo mareenkii daahfurey qarnigii 19 aad dalka Kongo oo la odhan jirey Henry Morton Stanley una dhashay dalka Ingiriiska. Dalku waxa uu leeyahay taariikh aad u dheer tan iyo waagi ay ka talin jirtey boqortooyo la odhan jirey boqortooyaddi kongo, boqortooyaddaasi oo katalin jirtey waddamo badan oo afrikadda galbeed ah.

Dalkani waa dal aad u baaxad wayn oo la´eg rubbuc kamida qaarada yurub, waxa uu allah SWT ku maneystay biyo aad u fara badan, waxana dhex wabiga labaad ee adduunka ugu wayn, ee loo yaqaano wabiga kongo, iyo sidoo kale kaynta labaad ee ugu wayn adduunka, wabiyadda badan iyo kaymaha badan waxa u dheer cimilo aad u macaan badan iyo ciid ama caro wanagsan oo ay wax waliba ka bixi karaan, dhulka congo waxaa uu la dihinyahay ama ka buuxa oo jiifa kayd fara badan oo macaadino ah oo ay ka mid yihiin Kober, Dahab cas iyo dahabka cadba, Dheeman Cobalt iyo Yuraaniyam iyo xitaa shidaal, oo dalka ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka Adduunka ugu dhaqaalaha badan. Waxa kale oo uu qani ku yahay rabbarka laga sameeyo taayirada iyo dhamaan aaladaha balastiga, waana dalka labaad ee adduunka ugusoo saarka badan rabbarka. Sidaas ooy tahay hadana Congo waxaa weeye dalka Caalamka ugu rajada xun.

Dagaaladda sokeeye iyo dhibta sahayatey nolosha dad badan, hormar iyo xasilooni la;aanta ka taagan dalkan kongo logama horayn imaantinkii wadamada reer galbeedka, qayb qaybintii iyo hubayntii qaba’iiladda dagan kongo, ka hor intii aanay iman gumaystayaashii reer galbeedku nolosha dadka iyo dalka kongo waxa ay ahayd mid xasiloon, oo hormar balaadhani ka jirtey. Balse faragalintii iyo kala qaybintii uga timid boqortooyadii biljamka ee Leobold ayaa ah sababta u dalkani u dagi layahay ilaa haatan.

Si kasta oo ay dalkani uga dhaceen dagaalo sokeeye oo badan, haba ugu sii darnaadeen kuwii ka dhacay 1996 ila 2003dii, oo ay ku nafwaayeen 5.4 milyan oo qof ( shan milyan iyo badh qof). Kuna baro kaceen 2.5 milyan oo qof ( laba milyan iyo badh qof), dagaalkani ma ahayn kaliya dagaal qaba’iilo dhex maray oo qudha, waa hirdan dhexmaray 20 kooxood oo kale dane gaara lahaa, oo ay ka mid ahaayeen sagaal dal oo ka mid dalalka afrika, oo ay hogaanka u hayeen wadamada dariska la ah kongo sida Rwanda iyo Uganda. Koongo-na wax ay noqotay garoonki dheeshaas lagu dhex ciyaarayey.  Hadana dhacdadani iyo kuwo kale oo badani wali uma aysan noqon tusaale ay waxku qaatan dadka iyo dalka kongo.

Sababo badan awgood, waxa hirgalay qorshahii dheere ee ay lahaayeen gumaystayaashii wadamada reer galbeedka ee u dajisnaa, oo soo soconayay muddo qarniyo ah, taasi oo ay mar walba dilayeen ama ay maskaxda iyo xididada mufakarnimo ba ka baqtiinayeen kana suurinayeen dadkii ama indheer garatadii u kaci lahayd dalkani.

Tusaale, Patrice Lumumba oo ahaa ra’iisal wasarahii dalka congo 1960ki, isaga oo masuul qaran ahaa waxaa dil fool xun loogu diley caasimada gobolka Kataanga DRC waxanna diley badhasaabki gobaalkaasi oo la odhan jirey TSHOPE, iyada oo waqtigaas jidhkiisa la googooyey kadibna dab laqabadsiiyey. Waxa aad heli karta qoraalo iyo buugaag badan oo faaqiday dilkii lamumba.

“lamumba ma noola, mana dhiman,

Muuqiisa la waayo  mooyaane

Inuu maqan yahay hamoodina”

Hees Baroor diiq ah, Abdilahi Qashe iyo geeridaasi lamumba

Bal qiyaas hadda ugu yaraan umad saddex qarni maskaxda laga gumaysanayay, oo loo diiday hormar dhan walba ah, gaabisna laga dhigay noloshoodi. Bixistii gumaysiga, Beljamku waxa uu talada dalka isugu dhiibay iyadda oo aanu dalkani lahayn hal aqoonyahan, hal dhakhartar amaba hal injineer oo dalka wax loo baray ama ubartay. Hase ahaatee waxaa kale oo xitaa la hubsaday marka dalku xoroobo in aan la helin, dad indhee-garad ah oo dalka u dhashay oo wax xukumi kara.

Sidaa darteed madaxbannaanidii la gaaray sanadkii 1960kii ayaa waxay ahayd mid la saadaalin karay in ay ku dhammaaneyso masiibo aan la mahadin.

Tusaale yaal badan oo xay ah waxa aad ka heli karta buuga uu qorey qoraaga MARK TWAIN oo ku saabsan dalka congo. Waxa kala oo tusaale yaal nool u noqon kara, intabcadii gumaystayaasha reer galbeed la rabeen dalka congo, ay la heleen maamuladii kala danbeeeyey ee soo qabtay talada dalka, ka hor maamulkii lasoo doortay 2006 dii. Hadii aan dul joogsaddo midka mid ah garaadka iyo aragtidii mid ka mid ahaa hogaamiya yaashi wagaas, is qancin iyo isu bogis uu  u bogay awoodiisa waxa uu badaley macaciisii oo ahaa Mobutu oo xukunka qabsaday Sanadkii 1972. Waxa aanu noqday kaligii taliye.  Wax aanuu magaciisii u beddelay waagasi Mobutu Sese Seko Nkuku Wa Za Banga, oo macnaheedu yahay dagaalyahanka awoodda buuxda leh ee kara wax kasta. hasayeeshee reer galbeedku way u dulqaateen maadaama ay macdantu iyo khayraadka dalku u socotay xaggooda, dalka Congo-na uu dibadda ka joogay xerada midawgii Soviet-ka, midawga soviet oo ahaa awooda kaliya ee u dhigantay reer galbeedka, ama cadawgii reer galbeedka ee waagaasi.

2006 dii waa afartan iyo lix sanno kadib waagi gumaystaha iyo waayahii xumaa ee mindi iskugu dhiibka qabaa’iilada congo, intii lagu gudo jirey 46 kaasi sanno ee hore dagaalada sokeeye ee la iskaga hor keeno dadka kongo waxaa iyanna dhinac socotey xeeladaha siyaasadihii dagaalkii qabooba ee dunidda, iyo soo saarista jiilal iyo dadyow carbisan aadna u tababaran, oo la aragti iyo mabaadii’ba ah isla gumaystayaashi reer galbeed ee hore, isna soo garabtaaga una adeega danaha reer galbeed iyaga oo sheeganaya aqoonyahanadii iyo indheer garadkii dalka. Wax-na usoo baranaysay mudadaasi dheer kuna doodayay inay dalka ka saari doonaan xaladahan adag. Xaqiiqdunna waxay tahay in laga soo hagayey meelo kale, iyadda oo islamarkaasina cududda dhaqaale iyo taageraba ay ka helayeen dawaladiihi reer galbeedka ee ay danahoodu ka dhex socdeen dalka Kongo.

Joseph Kabila oo ah madaxwayanaha hadda ee dalka Kongo, waxa uu haya taladda hogaanka dalka muddo dhan 15 sanno, kadib, markii uu talada dalka la wareegay dil qorshaysan oo lagu diley aabahi Laurent kabila sanadii 2001 dii. Madaxwayne joseph kabila waxa doorasho democratic ah loogu doortay 2006 dii, iyadda oo markale oo labaadna uu dib ugu guulaystay doorashada 2011kii. Inkasta oo mudadido xileedkii sharciga ahayd ku eegtahay 2016 bisha sagaalad, runtii madaxwaynu wax waa qabtay isbadal dhinacyo badan ahna waa sameeyey, lakiin wali wax badan ayaa qabyo ah, oon waliba rajo laga qabin inay qabsoomaan marka loo eego aragtida iyo ficilada dadka reer kongo iyo aqoonyahankoodaba, dalku dal ahaan waa midaysanyahay lakiin maamul gudaha ahaan maya, aragti ahaanna aad ayay u kala fikir iyo aragti fogyihiin.

Ilaa hada Waxa jira mucarad badan oo goobo badan oo dalka ah ka dagaalma, markastana dhib dhimasho naf iyo maalba leh u gaysta dadka kongo iyo ajaanibta kaleba, mucaaradka ayaa laba ah, mid hubaysan oo duurka ku jira iyo mid ka kooban siyaasiyiin aad u madax adag oo aan kaba yaraysan kuwa duurka ku nool.

Runtii marka la isku qabto arimo siyaasadeed, siyaasiyiintu waxa ay si arxan darro ah u isticimaalan shacabka oo marka hore ba u badna danyar iyo dad aragti gaaban, inta ay samaynayaaan banan baxyadda iyaga dhexdooda ayaa wax isku gaysta, inta soo hadhana dawladda ayaa laysa raydka,,,, marka loo imaado tan mucaaradka hubaysani iyagu marka ay doonaan iyo magaaladda ay doonan ayay soo galaan ku la’aayaan dad kuna booban maal badan,  kadib duurka ayay iskaga noqdaan…..  tan iyo waagaasi horeba kama dhamaanin dalka kongo iska hor imaad sababa dhimasho iyo dhaawacba, iyadda oo ay ugu danbaysay mudaharaadiyo badan oo lagaga soo horjeedo dawlaadda hada waqtigeedu dhamaaday. Caasimada nord kivu mudaharaad lagaga soo horjeeday xukumada hada ayaa waxa ku dhintay 50 qof o shacab ah bilk a hor.

Hadaba iyadda oo manta 19-09-2016 ay sharciyadii xukumadan taladda haysay ay dhamaatay, doorasho hada diyaar ahina aanay jirin.  waxaa hanjabaado cabsi galiyey dadka udhashay dalkan iyo dadyawga kale ee ajaanibka ah ba, ay kazoo yeedhaysa xisbiyadda mucaaridka ah ee ka jira dalka, iyadda oo aad looga cabsi qabo in dalku hadana dib ugu laabto fawdo kale. Amniga dalka ayaa waxa gacanta ku haya ciidamo dawladda ah iyo ciidamo aad u tiro badan oo ka socda qaramadda midoobay.

 

Geesiga madow uma oggala, guusha reer Yurube

Geerida lamuumbaa wadnuhu, noo gig leeyahaye

Geesigu goortu qabtee, gees isugu leexshay

Iga guura galabtuu idhaa, geeddan loo xidhaye…

Godka waxaa u qoday haamarshool, waa gedduu wadaye

Maantaba haday gowraceen, way ka gama’yaane

Dollarku meeshuu galaba, waa genbiyi jiraye

Ninkii dunida kala gaabiyaa, garabsanaysaane

Raggan gacanta haystow wallee, saad-danbaad garanne,

Qudheennani intaynaan geb odhan, yayna kala gaadha

Haddii kale se goor aan fogayn, gowda ba; aan eegno

 

Abdillahi suldaan timacadde , waa baroordiiq hore oo abwaanku ugu talo galay raiisal wasarahi lamumba ee la dila, waxa se ku jira talooyin iyo murti Somaliland iyo umadaba anfaca.

 

deeqMahadsanid

W/Q

Deeq Yousuf Ducaale Sed

M International Relations and Diplomacy

Independent consultant

+243/825067832/847191312/978923322

Zeed@live.co.uk or Zeedfour@gmail.com

Kinshasa, Congo DRC

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah