Damaca Deriska. W/Q: Axmed Rooble

by Yahye | Monday, Sep 29, 2014

Damaca Deriska

W/Q: Axmed Rooble

“Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala  ah tahay ooy duunka ku heshiiso

Dadka kama yaraateene ways    dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye”

 (Cabdillaahi Suldaan Timacadde).

Ma Biloowgi Dhamaadka Soomaaliya baa? Mise Su’aashu waxey kasoo hormartay waqtigeeda? 193da dal ee aduunka ku yaal dal walba wuxuu deris la yahay ama xuduud la wadaaga dal kale. Xuduudaa oo noqon karta mid biyo ah ama mid berri ah. Xuduudahaa haku yimaadeen si xalaal ah ama si kaleba. Hadana dalal badan waxey ku wada nool yihiin deris wanaag, Wada shaqeyn & Nabad. Hadaba Marka milicsi lagu sameeyo Sooyaalka dheer ee Dagaal ee u dhexeeysa Soomaaliya & Itoobiya. Iyo Sidoo kale Siyaasada  iyo dagaalka Qaboow ee Kenya Waxeey ku tusineysaa Qof walba oo garaad lehna uu arki karaa in Qorshe, Aragti, Mowqif dheer uu jiro ay doonayaan in lagu dhameeyo inta ka harsan astaamihii Qaranimo iyo Kuwii Qowmiyadeed ee Soomaalidu laheyd. Damaca itoobiya ma aha mid dhow ee waa mid sooyaalka ku xusan wax badana socday balse ma mira dhali doonaa mise. Allaa og.

Damacaa fog waxaa in badan hortaagnaa rag Soomaaliyeed oo dhabar adeyg badan muujiyay Wax badana hortaagnaa oo diidanaa in  uu hirgelo oo la waayo Quwad iyo dal Muslim ah oo Soomaali ah. Hanadana waxaa jiray dadaal badan oo deriska gaar ahaan itoobiya ay sameeyneysay si joogto ah iyadoo sahan u gali jirtay mar walba ka miro dhalinta iyo hanashada dalkan dadkiisu ay isku maqan yihiin hadana  u jeedin amaba ogeyn cida cadawga u ah. Cadaawada dheer ee itoobiya u qabto dalkeena waa mid diin salka ku heysa hadana waxaa intaa kadib imaanaya dano dhaqaale taa si aan si fiican aan u xaqiiqsano bal aan isla eegno erreyadii uu adeegsaday boqorkii itoobiya ee melenekgi 2aad mar uu warqad u qoranayay quwadihii ka jiray aduunka oo galbeedku ugu xoog roonaayeen Qarnigii tagay.

Wuxuu yiri: “Waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga Kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah tarran waayeen ayay soohdimahi aan laheynee badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah”. Hadaladan waxaa soo labeeynaya kuwo kale oo uu ka mid yahay hadal uu yiri madaxweynihii hore ee Kenya Moi kibaki mar ay Soomaalida ku dooranayeen Madaxdooda dalkaa. Wuxuu yiri “Ma dooneyno in Soomaaliya ay dowlad dhexe oo Quwad weyn dib uga dhalato”. 2011 ka hor siyaasada soomaalida waxey tiilay amarkeeda iyo go’aankeeda itobiya halka dhaqaale badan oo Soomaaliyeedna yiilay Kenya balse Siyaasadaha labadaa dal waxaad moodaa in ay isku soo biireen oo ay doonayaan ka dhabeynta iyo ka miro dhalinta dhamaadka Soomaaliya Halka soomaalida ku mashquulsan yihiin Waxyaabo badan oo aan waqtigooda la joogin sida Federaal-Qabiil, Masuq & Argagixisonimo. Waxyaabaha Maanta muuqda oo damaca deriska faham inaga siin kara waxaa ka mid ah qunsulka cusub ee Kenya keensatay kismaayo, Qunsulka itoobiya ee garoowe & hargeysa iyo ergooyin kale ee jooga meelo kale oo dalka ka mid ah. Siyaasadaha dalalka deriska ah waxaa mudan in si miir qaba weydiimo la isula soo bandhigo. Dadka fiirada dheerna waxeey aqriyaan sadarada dhexdoodee bal aan kaa bilaabo adiga aqriste ma biloowgii dhamaadka soomaaliyaa? Ma qeybintii labaad ee Soomaaliya ayaa bilaabatay? Maxuu ku dambayn doontaa mustaqbalka Soomaaliya? Waa maxay cilladaha Soomaalidu leedahay iyo qaladaadka ay galeen ee sababay ama sahlay burburkan aan cid kale ku dhicin? Ma jiraan wax la qaban karo si loo badbaadiyo waxa  weli inoo harsan? Weydiimahan oo dhan ayaa sababay curashada maqaalkan.

Dhaqdhaqaaqii gobanimada lagu doonay oo lagu eryay nimankii cadaa ee dalka gumeysanayay kadib dadka soomaaliyeed waxaa u curtay dowlad dimuqraadi ah oo aan aheyn feker soomaali maskaxdeeda ka yimid oo ay isku raacday aayaha iyo danteenana ka shaqeeya balse dalka lasoo geliyay muddo 9 sanadood kadib oo isjiidjiidid, nin jecleysi, harowsi, qabyaalad & masuqmaasuq baahsan uu dalku galay waxaa u xijaabtay madaxweynihii dalka taas oo ay xigtay qaladkii ugu weynaa ee aynu galno kaa oo ahaa in afgambi iyo gumeysi kali telisnimo ah galo dalka oo meeshii dadku ku hiran lahaayeen dal, dowlad iyo distoor lagu hirtay shaqsi kaa oo si indho la’aan ah iyo ka baaraan degid la’aan loo daba orday mirihii laga dhaxlayna ilaa maanta la guranayo. Dowladii shaqsiga ee mudada 20ka sano joogtay waxyaabo badan oo ay qabatay marka laga tago waxeey ku fashilantay hergelinta hanaanka shuuciga ama hanta wadaaga kaasoo ah mid aan soomaali iyo dadka madoow ee afrikaba aysan laheyn. Burburki kadib jabhadi iyo ururo diimeedki kuma aysan guuleeysan nooca fariinta loosoo dhiibay ee ay wakiilka ka yihiin si ay uga hergeliyaan dalka. Waxaa beryahan soo baxay si aayar ahna usoo yeelanaayay dareen aragti debada laga keenay oo ah hab dowlad iyo nidaam baahin ah oo loo yaqaano federal taaas oo soo nooleysay qadiyada iyo u dagaalanka diinta soomaaliyeed ee qabyaalada waxaana ka dhalan kara in markale si arxan darro ah la isku laayo. Isku soo duuduub halgankii gobanimada ee beri hore iyo jahwareerka maanta ee baahinta xukunka dowladeed iyo intii u dhexeeysayba waxa howl iyo dadaal la qabtay waa hal bacaad lagu lisay waayo waxaa laga soo waariday dalal kale iyo dadyoow kale oo aan nagu dan, diin iyo dareen aheyn. Dulucda Maqaalka oo ah damaca deriska ayaan qabaa, Qirsanahayna in ay jirto la arki karo lana taaban karo waxaana filayaa in tusaalooyin ciida ka badan oo doqonkuba fahmi karo in ay jiraan balse weeydiintu waxeey tahay Waayo? Sababta dhalisay damaca deriska ayaa ah laba arrimood waa tan koobaad dano dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed Waxaana soo labeeya in dalalka aan deriska nahay aysan ogolaan Karin dad tiradoodu 10 milyuun tahay in ay go’aanada waaweyn ee geeska wax ku yeeshaan tusaale ahaan boqorka keynta marna lagama yaabo inuu ogolaado in dawoco hadal ku yeelato ka jawaabida su’aalaha waaweyn ee ka guuxaya maskaxda habar dugaag. Sidaa si la mid ah itoobiya oo kaashanaysa Kiinya ma ogalaan karto soomaali firfircoon oo kula xisaabtanta soona ceshata dhulkeeda iyo aayaha geeska afrika. Toloow Malaga yaabaa in ay soomaalida noqdaan una caqli iyo garasho sareeyaan si la mid ah sida dawacada.  Damaca deriska waxaa ku daaban baaris, aqoon iyo lafogurid arrimaha soomaalida ah iyagoo qeyb ka ah go’aanada waaweyn ee dalka tusaale ahaan heshiis beeneedkii ku dhexmaray maamulka juba iyo dowlada taagta daran ee dowlada itoobiya garwadeenka ka aheyd iyo heshiiska qoyan ee mooryaanka iyo qabqablaha weyn barre iyo madoobe ku dhexmaray magaalada silica iyo dandarada ku suntan ee kismaayo. Sidoo kale waxaa cad in ay qeyb ka yihiin hergelinta heshiiska gobalada qalafsan ee dhaca bartamaha dalka. Waxeysan ka marnayn Hiiraan & Baay iyaga oo dalka muqaabaraadkooda iyo ciidaankooduba joogaan sida ay doonaana ka yeelaan dalka iyo dadka.

Soomaalidu Waxey ku maahmaahdaa Nin aan garan waxa jooga maanta waxa soo socda ma garto balse sadaashu sida ay tahay waaloo wada jeedaa balse wax waa laga qaban la’yahay sababo badan oo isbiirsaday awadood oo ay ugu horeeyaan Midnimadi oo luntay, Awoodi oo ay gacanta u gashay dad aan u ehel aheyn oo deriska mooda mar walba la’aantood inaan la joogi Karin lana heyn Karin talada dalka iyo dadka ileynse quwado shisheeye oo deriska ugu horeeyo ha u dhiibteen ama qeyb haka ahaadeen hogaamintooda dalkee. Waxaa sidoo kale qeyb ah door weyna ku leh burburka ina gaaray iyo nasiib daradeena ah in isbadalka siyaasadeed ee caalamka aan la kowsanay burburkeeni oo ku beegnaa dhamaandkii dagaalkii qaboobaa iyo inagoo burbursan oo quwado dano hoose leh ay gashadeen shaar diimeed si ay bulshada ugu isbaareystaan uguna baadaan iyo iyadoo caalamkuna la dagaalamay wax badan dadkaa shaar diimeedka xiran oo sidoo kalena loogu yeero argagixiso, xagjir iyo wixii kale oo la midka ah.

Waxaa xaqiiq cad ah in dalalka deriska ahi aan loo babac dhigi Karin maanta iyo mar u dhowba waxaase loo baahan yahay siyaasad, qidad iyo aragti ka duwan wixii hore oo lagu wada badbaado. Dalka itoobiya ciidan, saanad iyo hub ahaan wax badan waa ka horeeysaa maleeyshiyaadka isku burbursada gobalada iyo caasimada dalka iyo dowlada taagta daran ee ay shisheeyuhu ilaaliyaan. Difaaca iyo Danaha istaraatijiga ah ee dalalka itoobiya iyo kiinya Wax badan waa kasoo gudbeen xuduudahooda waxeyna joogaan in ay kala qeybsadaan dal dadkiisu isku mashquulsan yahay balse waxaa isweeydiin mudan ma doqonkaan ka sugnaa in uu garto?

Saadaashu ay bixinayaan culumada siyaasada odorosta ee ajnabi iyo soomaaliba leh ayaa ah mid niyadjebineeysa wadaniyiinta soomaaliyeed ee mabda’ leh oo aadna u tiro yar kalana firdhisan. Saadaashu waxeey tahay in dalku uu u muuqdo mid hoostegi doona dalalka deriska ah  Shaxduna waa sida soo socota.

  • Maamulkan Wuxuu jirida hoose kaga xiran yahay oo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka heystaa labada dale e deriska ah gaar ahaan Kenya oo dano fog ka leh. Jubooyinka waxaa caasimad u ah Neyroobi oo ay si toos ah u hoostagi doonaan.
  • Gobalada koonfurta gaar ahaan galbeedka koonfur xiga oo ruwaayad dheer ka socoto waxaa iyagana sida la wado ee muuqata ay xirmi doonaan itoobiya waxaana tusaale cad u ah in 2012 ay itoobiya ciidamadeedu xureysteen baydhaba oo caasimad u noqon doonta maamulka meeshaa kasoo bixi doona.
  • Hiiraan & Shabeellooyinkana Waxaa masuuliyadooda hanan doonta dowlad ku sheega taagta daran ee u dawarsi tagta dunida waxaana ku suntan itoobiya oo xad la leh Hiiraan Mooryaan iyada ku xirana ay dadka dhac iyo dil ugu geystaan. Jowhar iyana waxaa jooga mooryaan ku gaamurtay dilka, dhaca iyo cadaalad darada baahday Guulaase u maqan dadka degmooyinkaa degan.
  • Waxaa Cad iyadana in Gobalada dhexe ay maamulidooda iyo howsha guud ay farta ugu fiiqdo wax walba dowlada itoobiya natiijada ugu dambeysana ay noqon doonto mid iyada u hiilisa danteeda iyo xaajadeedana ay ku gaarto.
  • Gobalada Bari & Nugaal waa hore ayey Itoobiya sal dhigatay waana dhulka soomaalida itoobiya ama Kilinka 6aad. Gobaladaa la magac baxay Puntlaan Waxaa kaga masuul ah rag isku xiran dal iyo debad oo jaajuus iyo shaqaalo cadaw ah.
  • Gobalada La baxay Soomaalilaan ayaa iyagana ah Saaxiibka ugu dhow uguna wanaagsan oo itoobiya waxeey la jishaa riyo maalmeedka ah in ay yihiin dal xor ah oo ka go’ay Soomaalida kale. Ma oga miyaa in hal doon lawada saaran yahay taaso ay cadaw ka yihiin darawal,(Itoobiya) Karishboy(Kenya) iyo rakaab (Dhamaan dalalka Geeska). Doontaana waa geeska afrika oo ku dhex socota badweyn uusan asxaan, naxariis iyo cadaalad oolin balse yahay kan kaliya ee lagu guuleysan karaayo.

Ma garan gartaa sirta ka dambeysa qeyqeybintan? Ma garan kartaa doqonoow sirta gumeysiga? Maya waa Maya ileyn dhoohane cali sow maahid. Ugu dambeyntii Lax walba shilalkee is dhigtaa lagu gowracaa intaan iyo dabino kale oo badan oo soo socdaa waxeey gumeeyn doonaan soomaalida aan laheyn dan guud, garasho, fogaal arag soofeysan, wadajir & Farsamooyin loogaga badbaado hagardaamooyinka ay ugu horeeyso arrimaha badda iyo wixii la mid. Waxaa lagaga baxsan karayaa kaliya iskuduubni, kacdoon bulsho iyo hogaan suuban taasna ma muuqato. Sidi lagu heli lahaana waa sadar muuqda su’aal ka dhan?

 

Damaca Deriska

W/Q: Axmed Rooble

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!