Danjiraha Turkiga oo ka hadlay doorashada aqalka hoose ee Soomaaliya

by wadani | Friday, Nov 11, 2016

Muqdisho : HN :-Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho,Olgan Bekar ayaa ammaanay sida habsamida leh ee ay imminka u socdaan howlaha doorashooyinka dalka,sida ay baahisay wakaaladda SONNA.

Wuxuu caddeeyay safiirka dowladda Turkiga inay muujinayso kaga aaddan hirgelinta arriamaha doorashooyinka,waxaa ay doonayaan wuxuu ku sheegay Soomaaliya oo ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay doorashooyinka haatan ka socda Soomaaliya, kuwo bidhaaminaya mustaqbalka in loo sii gudbo doorasho qof iyo cod ah, taasoo ah horumar lagu tallaabsaday.

Sidoo kale,safiirka dowladda Turkiga mar uu ka hadlayay deeqaha kala duwan ee Soomaaliya kaga yimmaadda Turkiga,wuxuu sheegay inay tahay wax soo billoowday siddeetamayeeyadii, isagoo intaa raaciayay inay dowladdiisu tan iyo waqtigaasi ka war qabtay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, balse ay raadinayeen fursad lagu garab istaagi karo.

Ugu dambeyntii,wuxuu ballan-qaaday safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya inay labo jibbaari donan taageerrada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaalida,isagoo marka shacabka waydistay wada-shaqeyn.
___

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!