Danjire Afey” fashil kasta oo ku dhaca hiigsiga 2016 waxaa mas’uuliyada qaadaya madaxda dowladda

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho : HN :– Durbaba waxaa isa soo taraya shakiga ay ka qabaan ururada taageera dowladda Soomaaliya gaarsita hiigsiga 2016-ka iyo doorasho xor ah oo dalka ka qabsoonta, ayaa walaacooda arrintaa ku aadan waxaa markiiba cadeeyay urur gobolleedka IGAD.

Danjiraha urur gobolleedka IGAD u qaabilsan arrimaha siyaasada Soomaaliya Max’ed Cabdi Afey, ayaa sheegay in madaxda dowladda mar walba qaadan doonaan yeelan doonaan mas’uuliyada fashil ku yaamada hanaanka la doonayo in 2016-ka dalka lagu gaarsiiyo doorasho xor ah.

”Waxaan soo saarnay war saxaafadeed ay IGAD ka qabto dareenka xaalada Soomaaliya iyo sida aan uga xunahay siyaasada cakiran eeSpecial-Envoy-to-Somalia xilligan ka jirta Soomaaliya, waxaa qabnaa cabsi ah in hiigsiga sanadka 2016 oo ay shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan dowladda inay meel mariso waxyaabaha looga baahan yahay in lagu guuldareysto”ayuu yiri Amb. Afey oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Amb. Afey oo sii hadlayay ayaa sheegay in hey’adaha ugu sareeya dowladda sida Baarlamaanka, Madaxtooyada iyo Xukuumada waajibaadkooda ay u gudanayaan sida dastuurka qabo, isagoo xusay in caqabada ay noqon karta cidii loo xilsaaray howshaas.

“Howshaas waxaa guud ahaan socodsiin teeda laga rabaa madaxda dowladda, hadii arrintan lagu fashilmo waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya Madaxda dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyaga ay soo doorteen oo ay u xilsaarteen howshan”ayuu yiri Amb. Maxamed Cabdi Afe

Warka ka soo baxay urur gobolleedka IGAD ayaa imanaya, xili wali xiisad siyaasadeed ay ka jirto Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Baarlamaanka oo wali aanay Xukuumada uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid aqbalin, iyadoo howlihii dowladda laga sugayay ka hor sanadka 2016 uu dib u dhac badan uu ka jiro.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!