Danjire Afey” haddii aan Soomaaliya laga her-galin maxkamada ICC xasuuqa waa uu sii soconayaa

by wadani | Sunday, Dec 6, 2015

Muqdisho : HN :–Danjiraha UGAD ee Soomaaliya Max’ed Cabdi Afey ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ku dadaali doonaan siddii maxkamada danbiyada dagaal ICC xafiis uga furan laheyd Soomaaliya, si markaa loo hello ayuu yiri la xisaabtan dhab ah.

Danjire Afey ayaa isaga oo la hadlayay BBC-da sheegay in haddii hore loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ka dhaca Somalia inaysan dhici laheyn in maalin walba shacabka la xasuuqo.

“Haddii la heli lahaa in maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay si toos ah u fara-geliso Somalia, nin201492763547411650879134510561530_10204893596602450_5912045377160024484_n dagaal abaabula oo shacabkiisa u laaya sidan oo kale ma dhici lahayn. Sidoo kale haddaan sida madaxda kale ee Afrika ciqaabta loo mariyo aan loo arin kuwa Somalia ma joogsanayso in dadka la iska xasuuqo,” ayuu yiri Afeey.

Sidoo kale, danjire Afey ayaa xusay inuu aaminsan yahay in haddii horay loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo dambiyada dagaal ee ka dhacay Somalia aanay sii socon laheyn dhibaatooyinka mararka qaar soo laabta

Danjire Afeey wuxuu intaas ku daray in beesha caalamka uu u soo jeediyo wixii hada ka dambeeya in olole xoog leh loo galo in maxkamadda caalamiga ah inay xafiis ka sameysto Somalia, isla markaana baaritaan joogto ah u sameyso, marka ay dhacdo in shacab la xasuuqo, cidii lagu helana markaas maxkamad la soo taago.

Ergayga IGAD ee Soamila ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga bilaabo baari-taanka dagaalladii magaalada Gaalkacyo ka dhacay, marka shacabka magaalada deggen ay heshiiyaan

Waxaa la weydiiyay danjire Afeey heshiiskii Gaalkacyo iyo sida loo dhaqan-gelin karo, wuxuuna ku jawaabay in loo baahan yahay in dib u heshiisiin qoto-dheer laga dhex sameeyo shacabka, si aanay u soo noqon dhibaato kale.

“Markii aan tagnay Gaalkacyo waxaan kusoo aragnay ciidamo hubka tayo leh haysta, waxaa is-weydiinay sababta ciidammo ka socda dalalka deriska iyo AMISOM u joogaan Somalia, iyadoo ciidammo iyo hubkaas inta la’eg haysato ay Somalia joogaan… aniga waxaa is leeyahay hubka tayadaas leh waxay ku difaaci karaan dalkooda, Al-shabaab iyo cadawgooda iyagaa ku filan,” ayuu yiri Afeey.

Ugu dambeyn, ergeyga IGAD ee arrimaha Somalia ayaa ka mid ahaa xubnihii ka socday Beesha Caalamka ee ka qayb-qaatay dadaalladii nabadeed ee lagu dhex-dhexaadinayay maamullada Puntland iyo Galmudug.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!