Danjire Afey” shirkii IGAD waxaa uu tusayaa caalamka hormarka ka jira waqtigan Soomaaliya

by admin | Sunday, Jan 11, 2015

Muqdisho : HN :–Danjiraha urur gobolleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD uu bixinayo fariin ah in horumar la taaban karo laga gaaray dhinaca Amniga Soomaaliya.

Danjire Afey ayaa ku ammaanay dowladda Federaalka Soomaaliya sida shirka ay u marti gelisay iyo hidihii dhaqanka la soo bandhigay, wuxuuna cadeeyay in shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ay ka soo baxeen waxyaabo la taaban karo.

“Waa ku amaanayaa dowladda Federaalka Soomaaliya sida shirkan u marti gelisay, sida hidaha iyo dhaqanka u sooAmb-Afey-280x175 bandhigtay, waxay fariin u tahay caalamka inta wali qiyaaseyso in Soomaaliya dowladnimadeeda dhameystirmin wixii halkan ka dhacay waa tusaale ku filan”ayuu yiri Danjire Afey.

Waxaa kaloo uu sheegay in qodobo muhiim ah ay ka soo baxeen shirkii Wasiirada Arrimaha dibadda ee IGAD, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen hirgelinta Nidaamka Federaalka ah oo ay dowladdu wax badan ka qabatay iyo hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka oo uu ku tilmaamay in ay iminka muuqaneyso ifafaalo arrintaasi ku saabsan, ayna ku rajo weyn yihiin in ay qorshayaashaasi hirgalaan.

Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa shalay shirkii u horeeyay muddo 28 sano ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar garow xoogan u gashay sidii Amniga u xaqiijin laheyd, waxaana shira laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr iyo labaatan qodob oo looga hadlay xaalada Soomaaliya iyo taageerada IGAD.

Hiiraan  Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!