Danjire IGAD oo sheegay in dowladda Kenya danno siyaadeed ka laheyn Soomaaliya

by admin | Friday, Sep 19, 2014

Nairobi : HN :–Danjire urur gobolleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladda Kenya ay dano siyaasadeed ka leedahay Somalia gaar ahaan dhismaha maamulka Jubbaland.

Afey ayaa sheegay in eedaymahan aysan sal iyo raad toonna lahayn ,isla markaaana ay soo abaabuleen dad aan doonayn in dhibaatada Soomaaliya xal loo helo ,iyadoo iminka uu jiro khilaaf dhinaca xadaha badda ah oo u dhaxeeya labada ee dowladood ee Somalia iyo Kenya .

“Dadka ayaa ah kuwa doonaya in maamulkan la asaaaso IGAD-na waa ay u hambalyaynaysaa in maamulkan horey loo dhaqaajiyo,” ayuu yiri Afey oo ka hadlayay furitaanka shirka dib u heshiisiinta ee ka soconaya Jubbooyinka.

Waxaa kaloo uu sheegay in uu dhowr jeer oo hore la hadlay Barre Aadan Shire Hiiraale ,isla markaana uu ku qanciyay in uu hubka dhigoaf si uu uga qayb-noqdo dadaallada nabadeed ee ka soconaya gobollada jubboyinka oo dhan.

“Shirarkan waxaa looga gol-leeyahay in la isu keeno qabiilada dagan dhulkan xalna loo helo is aamin la’aanta ka dhex jirta waliba si sharci ah ,waxaana loo marayaa arintan wada-hadalo toos ah in ay yeeshaan”ayuu mar kale yiri masuulkan.

Ugu danbayntii Affey ayaa tilmaamay in ciidamada gobolka oo dhan ay ka mid noqon doonaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in maamulka Jubbaland uu u baahan-yahay maal-gashi lagu samaysto hadii ay nabadda dib u soo noqoto.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!