Danjirihii Jabuuti ee dalka Mareykanka oo geeriyooday

by admin | Thursday, Jul 23, 2015

Djabuuti : HN :–Waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday Arbacadii safiirkii Jabuuti u fadhiyey dalkaas, sidoo kalana ahaa wakiilkii joogtada ahaa ee Jabuuti u qaabilsanaa Qaramada Midoobey.Colhaye

Allaha u naxariistee Marxuum Rooble Colhaye ayaa xubno ka tirsan jaaliyadda Jabuuti ee Mareykanka waxay sheegeen in uu u geeriyooday xanuun in muddo hayey.

Wuxuu ahaa safiirka Jabuuti ee Mareykanka 27 sano ee u dambeeyey, isagoo ka hor xilligaasna ahaa wakiilkii dalkiisa u qaabilsanaa dhowr hay’adood oo kuwa Qaramada Midoobey ah.

Marxuumka oo ahaa 71 jir wuxuu ka tagay xaas iyo shan carruur ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!