Darawal wade ka ahaa gadiid kuwa Qaadka ah oo lagu dilay degmada Buula-burte

by wadani | Monday, Jan 2, 2017

Buula-burte : HN :-Wararka ka imanaya deeganka Jameeco oo hoos taga degmada Bula burde ee gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in  Al shabaab ay  toogteen allaha unaxariite Yusuuf Cabdi oo ka mid ah ganacsatada Qaadka gobolka.

Guudoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasadda degmada Bula burde Axmed Cabdi weheliye Waaweyne ayaa sheegay in Al shabaab ay toogteen marxuumka xili u ku sii jeeda degmada Buula-burde islamarkana u ka soo baxay degmada Jalalaqsi  ee gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii, ma’aha markii ugu horeysay oo Al shabaab ay toogtan qof ka shaqeeya qaadka iyado dhowr mar Al shabaab ay u galeen  gadiid qaad u waday degmada Buula-burde inta u dhexeysa Beledweyne iyo Bula burde.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!