Darawalada gadiidka baliiska oo tababar looga furay magaalada Muqdisho

by Somali | Wednesday, Jan 2, 2013

Muqdisho : HN :   Waxaa maanta uga furamay xarunta gadiidka baliiska ee degmada C/siis tababar darwalada gadiidka ay ku shaqeeyaan ciidamada baliiska, kaasoo ay furitaankiisa ka qeyb-galeen mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda.

Furintaanka tababar waxaa goob joog ka ahaa wasiiru-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo wasiirr ku-xigeenka wasaarradaas, sidoo kale waxaa joogay taliyaha ciidamada baliiska Shariif Shiikhuna Maye.

Taliyaha ciidamada baliiska oo la hadllayay darawalada gadiidka baliiska ee maanta tababarka u furmay ayaa kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan tababarka la siinayo oo wax weyn ka tari doona xirfadooda shaqo.

Aqoon korarsigan ama tababarkan la siinayo wadayaasha gadiidka baliiska ayaa waxaa maalgaliyay xafiiska siyaasada QM ee UNPOS, waxaana uu sheegay taliye Shariif Shiikhuna Maye, in ay uga mahad celinayay xafiiska maal-galinaya tababarka.

Wasiiru-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mahad Max’uud Cali ayaa dhinaciisa sheegay in tababarada noocan oo kale ah ahmiyad gaar ah leeyihiin, sidaa daraadeed loo baahan yahay in siweyn looga faa’ideysto.

Hiiraan Net

 

 

Like it? Share it!