Dastuurka cusub ha lagu saleeyo xaqqiiqada dhabta ah, WQ;- Mohamud H. E. Guure

by Yahye | Tuesday, Aug 26, 2014

Maxaa lagu saleeyay in la badiyo gobollada dalka oo ahaa markii hore 8 markii dambane laga dhigay 18?

  1. Ma tirade dadka oo badan oo aan hal gobol maaareyn karin ayaa keentay in la jijibiyo?
  2. Ma dhulka oo ay baaxaddiisu weyntahay oo u baahan in aan la cidlayn ayaa keentay?
  3. Ma in siyaasad gurracan oo lagu doonayo kuraasi dheeraad ah kana tarjumikarin xaqiiqada dhabta ah eek a jirta dalka?
  4. Ma in lagu kala qeybiyo bulshada ummadda Somaliyeed si uu mid walba isaga dhex arko meesha uu dalka ka deggenyahay?
  5. Maxay ku soo kordhisay siyaasadaa dalka – ma inay abuurto kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah , mise inay xoojiso midnimada shacabka Somaliyeed?

Gobalka Hiiraan wuxuu ku jiraa gobollada ugu dadka  badan ee uu dalku leeyahay. Waa gobolka keliya oo aan la qeybin. Suaasha imanaeysa ayaa ah imisa gobol ayaa isaga loo qeybin karaa ayadoo laga eegayo tirade dadka iyo baaxadda dhulka marka la bar bar dhigi gobollada la qeybiyay. Waxaa kaloo furan in aan lala mid dhigin gobollada iyagoo marka hore hal ahaa seddex ama labo loo kala jijibiyay, oo kuraasta loo badiyo isagoo sidiisa u taagan, waxa kaloo furan in  isaga laftiisa seddex ilaa labo loo kala jibiyo, si uu ula mid noqdo kuwa kale ee horay loo qeybiyay.

Dastuurka ayaa dad badan ku doodaan in loo celiyo kii lixdankii, kaasoo u qeybinayay dalka  8 gobol. Bal muxey  ku  saleeyeen  aan is weydiinee, dabcan wuxuu ka eegay sida dadku ugu kala badanyahay . kama eegin qaabka dhulku u kala ballaran yahay , waxaana dhacday in uu cidleeyay meelo awalba dadku ku yaraa waana tan keentay in mudug iyo mujeertinia ka soo qaato labo gobol  dhulkaasoo baaxaddisu tahay  1/3 (seddex dalool hal) baaaxadda dhulka Somaalia. Waa fikrad ka timid nimaan dalka u dhalan, una daneeynin qoyska reer miyiga ah ee loo baahnaa in adeeg loo dhigo dhul kastoo baaxaddiisu tahay 300km2. Taa ma dhicin ee gaalkii wuxuu isku koobay dhulkii beeraha lahaa annagoo og in Somalia xilligaa ay ahayd 80% reer guraa aadna uga fog magaalooyinka teel teelka looga dagenaa dalka Somalia.

Maanta ummadda Somaliyeed  wey leedahay aqoon ay ku maareyn karto ummaddeeda. Haddi loo saaro aqoonyahanno ka soo warramo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta qaab nololeedka lagu dhaqi karo dadka una horseedi kara horumar dhab ah oo la taaban karo , si looga kaaftoomo fikradihii isticmaarka nooga tagay, kuwaasoo marin  habaabiye dad badan,  kana soo dhaqaajiyay mehereddoodii dhabta ahayd  ee xoola dhaqashada ahayd  , isuna arkay in  meel cidla ah looga kala tegay .

Xogta dhabta ah eek a jirta dalka iyo dadka ku nool haddaan   la helin waxaa adkaaneysa qaabkii loo maamuli lahaa shacabkan tobanka malion kor u dhaafay kana soo haarsanaya abaaro iyo colaad aafeeyay 20kii sano ee la soo dhaafay. Waa labaatan sano oo baal madow ka gashay taariikhda dalkeenna, una baahan in lagu mago labaatan sanoo kale oo ay umaddu u jaheysato taarikh quruxbadan oo ay gacmohooda ku sameystan marka laga bilaabo sannadkan cusub oo  aanu ku jirno. Shacabka Somaliyeed wuxuu ka qaangaaray garaadka mana aha siduu ahaanjiray 50 sano ka hor, waxaa soo baxay dad badan oo wax bartay.

Gobolagda Somaliyeed si siman ayeey muhiim u yihiin( They are equally important), waa sida laga fili karo in uu u fekero muwaadinka dhabta ah ee Somaliyeed . Mar haddey saa tahay isku si ugu adeeg ,baro meelaha dadku ku badan yahay si  aad adeegga ugu badiso, baro dhulkaada kheyraadkiisa dabiiciga ah meelha laga helo, weligaa ha cidlayn dhulkaada ee isku day inaad dad ku abuurto meel kastoo dadka ku adgaata  inay ku noolaadaan, adigoo ka hirgelinaya mashaariic soo jidata inay dadku soo degaan. Waa taa dowladnimada micneheeda.

Ummadda reer Hiiraan ayaad moddaa inay hadda u soo jeesteen horumarinta dalkooda iyo dadkooda, wacyi gelin joogta ahna ku haya ummaddooda, waxaana hubaal ah hadday xaqiiqda isla fahmaan in ay wax weyn ka beddila karaan Gobolkooda iyo Somali weyn good ahaan .

 

Waa qalinkii :

Mohamud Haji Elmi Guure

London   UK

Email: melmi@mail.com

Tel: 0044+ 7949436464

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!