David Cameron oo ku guuleystay doorashadii dalka Britain

by admin | Friday, May 8, 2015

London : HN :–Xisbiga Conservative ayaa ku guuleystay aqlabiyad doorashada guud ee ka dhacday dalka UK.

Raiisul Wasaare David Cameron ayaa ku guuleystay shan sano oo kale, iyadoo xisbigiisa uu ku guuleystay kuraas badan oo aan horey loo fileyn.

David Cameron ayaa u sheegay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa nuxaafidka in guushan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee Doorashooyinkii_Britain_2muddo dheer soo marta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Labour ayaa lumiyay kuraas badan gaar ahaan Scotland oo ay wada qaateen xisbiga SNP.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha UK, David Miliband ayaa is casilay kaddib markii xisbigiisu ku guuleysan waayay doorashada UK.

Waxaa kale oo is casilay hoggaamiyayaasha xisbiyada Liberal Democrats, Nick Clegg iyo UKIP Nigel Farage.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!