Dawladda iyo doorka dhaqanka. WQ: Dirir Goodax

by Yahye | Thursday, Oct 3, 2013

somali-mapLondon:01-da Oktoobar 2013
Hordhac
Bulsho kasta, heer Beel, Gobol iyo ka sii weyn ee Dan iyo Degaan wadaagta waxa ay u baahan tahay in uu jiro “Qorshe iyo Barnaamij” si qodobeysan u qeexaya: Hadafka iyo ujeeddooyinka strateeji ah oo si cad uga tarjumaya
baahida iyo maslaxadda Bulshadaas. Hoggaan iyo Maamul u taagan meelmarinta iyo ka miradhalinta ujeeddooyinkaas. Waxaa, iska cad oo aan la isku diidaneyn, in ujeeddooyinka iyo himilada Bulshadu ay yihiin kuwo, si waqtiga la socota, isku bedela ayadoo ku xiran hadba marxaladda la marayo iyo xaaladaha ka abuurma oo mudan in la tixgaliyo isla markaana loola saanqaado si ay ku jirto danta iyo rabitaanka ummadda loo adeegayo.

Waayo taariikheed
Hordhac kooan kadib, waxaa xusid mudan in tixanaha taariikhda Bulshada Soomaaliyeed uu soo maray marxalado taariikheed oo kala dambeeyay kuwaas oo si uruursan lagu soo koobi karo saddex waayo taariikheed oo kala ah:
– Marxaladda 1-aad: kahor Dowladnimo iyo damaceed.
– Marxaladda 2-aad: Xilligii Dawladnimo
– Marxaladda 3-aad: Dagaal sokeeye iyo saameeyntiis

Marxaladda 1-aad: kahor Dowladnimo iyo damaceed
Waa xilli taariikheed oo nolosha iyo damaca ummaddu ku tilmaanaa in ay tahay: Bulsho ree guuraa baahideedu xakameysan tahay Leh degaan iyo deris kooban Danteedu tahay daaq iyo daryeel dunnyo xoolaad
Xagga Hoggaanka Beesha iyo go’aanada la xiriira waxaa, marxaladdaan, door weyn oo looga dambeeyo ku lahaa Hoggamiye Dhaqameedyada kala sareeyay ee heer: Juffo, Laf, Beel iyo Duubka guud oo ah fiinta ugu sareeysa xilka dhaqanka.

Oday dhaqameedku waxa uu ahaa midka:
1) laga talo iyo tilmaan qaato
2) ka tarjuma xeerka iyo xiriirka beelaha kale
3) u taagan samo ka talinta iyo ka hor-tagga wixii dhibaato ku ah nabadda iyo wada noolaashaha degaanka.
4) qadarin, sumcad iyo karaamo ku leh inta daaqa, derisnimo iyo degaan la wadaagta, hadal-hayntiisu gaarto meelo fog oo magac mooyee

muuqaalkiisa aan laga aqoon.
Marxaladdaas ku saleysneyd nolosha reer guuraanimo, Oday dhaqameedku, waxa uu suurto galiyay jiritaanka Xeer iyo hab-dhaqan loo hoggaansan yahay oo sahla in beelaha ood-wadaaga ahi:
1) nabad ku wada noolaadaan
2) la is barto
3) la kala guursado
4) la is magangaliyo
5) abaal tixraac leh la isku galo, kii loo galayna markiisa si mudnaan leh uga jawaabo waqtiga ku habboon. Ma jirin hay’ad ka sareeysa Oday dhaqameedka oo la xiriirkeeda loo haqantaago ama talo iyo tilmaan la bido.

Marxaladda 2-aad: Xilligii Dowladnimo
Dawladnimadu waxa ay keentay in ay baahdo baaxaddii degaanka iyo baahidii bulshada, waxaa timid awood ka mugweyn middii Oday dhaqameedka taas oo dalka oo dhan daraf iyo dacal saameysay. Doorkii oday dhaqameedkuna uu, guud ahaan, u ekaaday mid ku kooban magac iyo markii loo baahdo.

Hase yeeshee, mar haddii aan la isku diidaneyn in, guud ahaan, qabiilku, xagga qeexidda, yahay: “Qaab dhismeed bulsho oo taariikh iyo door weyn ku leh, guud ahaan, nolosha, dhaqanka iyo dareenka Ummadda Soomaaliyeed”. Isla markaana, muddooyinkaan dambe xaalado jira awgood, uu noqday mid lagu saleeyo habka saami-qaybsiga awoodda Dawladda, ma muuqato qaab iyo sabab, xattaa xilliga Dawladnimo, lagu duudsin karo kaalinta iyo doorka Oday dhaqameedka. Sidaana waxaa ku cad in jiritaanka Qabiilka iyo Oday dhaqameedku ay iskaabayaan, isku xiran yihiin oo ay leeyihiin wada-shaqeyn iyo jiritaan mataaneysan.

Dhanka kale, maadaama marar badan la isku lifaaqo labada eray ee kala ah Qabiil iyo Qabyaalad, mar haddii aan kor ku soo qeexnay “Qabiilki”, bal markaan aan ereyo kooban ku sheegno waxa Qabyaaladdu tahay: Waa“Hab-dhaqan iyo ficilkiis qaldan kuna saleeysan eex iyo xadgudub ayadoo qof ama koox la siinayo wax aanay mudneyn oo looga habbon yahay, sidaasna lagu duudsinayo qof ama koo kale xaqeed”.

Marxaladda 3-aad: Dagaal sokeeye iyo saameeyntiis Marxaladdaan, markaan si guud iyo dalka oo dhan u fiirino, waxaa astaan iyo summad lagu aqoonsado u ah:
– Burbur iyo halaag naf iyo maal
– fidno, fawdo iyo xadgudub
– damac waalan oo dabar goostay
Markii awooddii Dawladnimo iyo doorkeedii la waayay, waxa ay ahayd in loo ciirsado kaalintii Oday dhaqameedka maadaama qaabka lagu hawgalayay, magaca lagu shir-tagayay, awoodda iyo xoogga la adeegsanayay uu ahaa mid ku saleysan “Qabiil”. Sidaana hoggaanka iyo maareynta arrimaha Beelaha uu la wareego Oday dhawqameedku laguna tageero. Balse taasi ma dhicin sababteedana waxaa loo aaneyn karaa in doorka Oday dhaqameedku ku dhaawacmay kuna daciifay Marxaladdii 2-aad ee dawladnimo. Runtii, xilligii dagaalka sokeeye, wax lala yaabo ma ahayn in ay yareyd inta u dhaga-nugul maqalka taladooda iyo doorka ay ku yeelan kareen xakameynta dabeeyshii socotay. Arrintaani waxa ay na xusuusineysa su’aal ayadoo la marayo “baabu Zako” arday weydiiyay shiikhi casharka bixinayay: Shiikhow“Zakada ma la siin karaa qof aan salaadda tukan?”.
Shiikhina ku jawaabay: “Taaruku salaad waxaan, marhore, kusoo dilnay baabkii salaadda. Qof dhintay Zako lama siiyo”.

Waxaa taas la mid ah in marxaladdii Dawladnimo la dilay oo la duudsiyay doorkii, karaamadii iyo awooddii Hoggaamiye dhaqameedyada, waana midda keentay, in waqtigii dagaalka sokeeye, dareenkii jiray iyo dabeyshii socotay aanay ogolaan in la dhageysto oo talada iyo tusmada looga dambeeyo ayaga. Taasina waxa ay si murjisay xaladdii, guud ahaan, dalka ka jirtay ee aan u soo wada-joognay wixii laga dhaxlay iyo dhibatada ay na baday.

Dhismo Gole Guurto
Mar haddii, sida aan horay u soo sheegay, qabiilku yahay wax ummadda Soomaaliyeed si weyn ugu fogaatay aaminaadissa, laf-dhabar u ah jiritaanka iyo dhismaha mujtamaca Soomaaliyeed, door weyna ku leh, guud ahaan: dhaqanka bulshada Soomaaliyeed iyo arrimaha la xiriira. Siyaasadda iyo saami-qaybsiga awoodda iyo xilalka Qaran. Xitaa haddii, waqtigeeda, la helo fursad doorasho “hal qof hal cod” aan hubo in ay jiridoonaan xisbiyo leh muuqaal qabiil.
Waa arrin lama huraan ah in uu jiro Gole “Guurto Dhaqan” oo leh tiro cayiman, Xeer iyo waajibaad qoran kaas oo xulashada xubnihiisa lagu saleeyay in qofku leeyahay:
1) Aqoon dhaqan iyo mid waxbarasho
2) Sumcad iyo hufnaan
3) Samo-jaceyl iyo aragti suuban
4) Dad-wad iyo karti hoggamin
5) Guddoomin iyo go’aan qaadasho sugan.
6) Xubno la saaqaadi kara hadba marxaladda ay mareyso Siyaasadda Dalka iyo Barnaajimka hawl-fulinta Dawladda.
7) Leh dareen, anshax iyo hab-dhaqan u dhaganugul fahamka Danta Guud iyo jiritaan Qaran Soomaaliyeed oo tayo iyo tabar leh. Intaa kadib waxa la hubaa in Golaha Guurto Dhaqameedku uu door muuqda ku yeelan doono Nabadda, Midnimada, Cadaaladda iyo Horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Gabogabo
Kala qaybsanaanta bulsho Dal iyo Degaan wadaagta oo ku saleysan in ka isku baheysto qaab qabiil iyo jinsidad isla markaana loo adeegsado colaad iyo sed-bursi waa wax la soo wada maray oo kuwa horumaray ee ilbaxnimada ku faanaa soo mareen kana gudbeen. Balse haddii aan nahay Soomaali, aaminaadda xag-jirka ah ee qabiilka oo noqotay cudur iyo caqabad waxa dhalay oo waalid u ah Cadaalad-daro lumisay kalsooni ummadda, kadibna qasab ka dhigtay in qofka iyo guud ahaan bulshadu dan-moodo u ciirsiga qabiilka iyo tolnimada. Waxaa lama huraan ah oo si weyn loo tabayaa hab iyo farsamo na dhaxalsiiya in loo bislaado sugidda Caddaalad bulsho oo sahli karta swaafajinta iyo wada shaqeynta habboon ee Qabiilka iyo Qaranka.

Dirir Goodax
Tel: 07960956384

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!