DAWLADNIMADU WAA ILAAH SHEEGASHO: WQ; Omar Sulaiman

by Yahye | Monday, Nov 12, 2012 | 84 views

Magaca dawlad iyo boqortooyaba waxay nooga timideen Yurub, labadubana waa isku mid waxa keliya oo lagu kala duwaa midini waa mid ku timaadda doorasho ay suurto gal tahay in dad cusubi soo galaan boqortooyadu waa dhaxal uu hal qoys weligiis dadka hor taagnaanayo. Dawladdu waxay lee dahay sharci dejiyeyaal oo ah dad uu shacabku soo doortay, laakiin boqortooyada boqorka ayaa wax kasta ka ah dalkaas. Waxay ka midaysan yihiin iyaga oo dadka u sameeya xad iyo xuduud aanay jebin karin, iyaga oo ruuxii jebiya ciqaab marinaya. Waxay u samaysteen dadka si ay ugu sandulleeyaan waxa ay doonayaa booliis, maxkamado iyo xabisyo.

Gumaysigii Yurub ka hor caalamka Islaamka lagama aqoonin dad xukuma dadka iyo dalka. Boqorada Carabta waxaa sameeyey gumaysigii, waxaase nasiib darro ahayd in aan cidiba is weydiin in dawladnimadu xaq tahay iyo in kale. Dawlad waa koox dad ah oo xukuma dal ay xuduuddiisu caddahay iyo dad cayiman cid kale oo xukuntaana jirin. Sida loo qeexay dawladda waxaa muuqata in dad gaalo ahi hindiseen dawladnimada. Ilaahna kutubtiisa nooguma soo sheegin in aynu noqonno dawlado, sidaas darteed waa baadil ee xaq ma aha.

Ma jirto aayad ka mid ah Quraanka oo uu Alle waxa dawladda la dhaho uga hadlay waayo talada iyo xukunka waxaa iska leh oo aan lala wadaagin Allaha Raxmaanka ah. Marka way caddahay in dawladnimada ay gaalo Alle iyo diintiisa wax cilmi ah u lahayni ay noo keentay. Allena ma nooma xeerin in aadami uu xukumo aadami kale, haddii ay ummadi dhibaato haysata u tashadaan waa in ay taladoodu ahaato in ay jidkii uu Alle noo jeexay ee dhibaato oo dhan looga badbaadayey mooyee aanay ku talo goosanin jidka shaydaan oo lagua halaagsamayao.

Dawladnimadu waa maaxdii boqortooyada sidaas darteed boqorku waa Alle ee cid kale ma aha. Sidaas darteed ruuxii boqornimo, madaxweynenimo iyo madaxnimoba sheegtaa waa in aan is ogayn inuu Ilaahnimo sheeganayo. Sida ka muuqata aayaddan wuxuu Alle nebigiisa u sheegayaa in uu dadka u sheego in uu ku socdo wax Alle u soo tebiyey oo keliya oo ay iyaguna diiddan yihiin in ay kula socdaan waxa ay ku weydiisnayaanna u sheeg in aadan adigu shaqo ku lahayn ee uu Ilaah oo keliyihi keeni karo, waayo sida runta ah xukun iyo talo waxaa iska leh oo ay gaar aan lala wadaagin u tahay Alle, isaguna run keliya ayuu sheegaa inta wax kala saartana isaga ayaa ugu khyar badan. Marka haddii uu rasuulku isagu dadka xukumi lahaa oo uu wax alla wixii uu doono samaynayey waxa ay weydiisteen xataa keen haddii uu is dhaho ma keeni kareen waayo Alle ayaa talada iska leh wixii uu keenayana keenaya.

قُلْ إِنِّي عَلَى بَيِّنَةٍ مِنْ رَبِّي وَكَذَّبْتُمْ بِهِ مَا عِنْدِي مَا تَسْتَعْجِلُونَ بِهِ إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ يَقُصُّ الْحَقَّ وَهُوَ خَيْرُ الْفَاصِلِينَ(57)

Haddii ay ummadi hoggaan samaysato waa in uu ahaado mid aan fara gelinayn arrimaha Alle u gaarka ah uuna mar kasta ku boorinayo in aanay xuduudda Alle jebin hase yeeshee hoggaanka uu dadku doorto isaga ayaa u gala meeshii Alle markaas ayuu iyagii xukumaa in ay ka yeelaanna ma aha waayo hoog ayuu u hor kacayaa.

Marka inta aanan dhaafin waxaan doonayaa in aan ku joogsado in aan waxa xukun yahay aan dadka isku dayo in aan wax ka garansiiyo.

Ereyga xukun waa erey asalkiisu ah Carabiحكم  oo ka soo jeeda xakamaha fardaha afka laga geliyo. Markii uu farasku xakamaysan yahay ayuu qaataa amarka qofka fuushan, sidaas darteed xukun macnahiisu waa xakamaynta dadka ama wixii kale oo dhan ee la rabo in ay hoggaansamaan.

Waxaa jeclaystay in aan soo qaato aayadan hoos ku dhigan,

مَا تَعْبُدُونَ مِنْ دُونِهِ إِلَّا أَسْمَاءً سَمَّيْتُمُوهَا أَنْتُمْ وَءَابَاؤُكُمْ مَا أَنْزَلَ اللَّهُ بِهَا مِنْ سُلْطَانٍ إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ أَمَرَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ(40).

Haddana waxaa uu Alle rasuulkiisa iyo innagaba noo sheegayaa in waxa aynu meeshiisii ka caabudaynaa yihiin magacyo aynu innagu la baxnay, sida madaxweyne, hoggaamiye, gudoomiye, taliye iyo waxyaabo la mid ah, in aad sidaas yeeshaan Alle wax amar ah ugama haysataan oo ma aha cilmi aad Alle ka hesheen in aad sidaas yeeshaan, waayo sida runta ah xukun oo dhan Alle ayaa iska leh cid aan isaga ahayn oo ka soo bixi kartaana ma jirto sidaas darteedna cid uu u wakiishay ma jirto haba yaraatee, hase yeeshee wuxuu idin farayaa in aad isaga mooyee cid kale aydaan u hoggaansamin addoonna u nooqonin, sharciga ama diinta dhabta ahi ee qummani waa taas hase yeeshee dadka intooda badan lama aha.

Ma jirto hal aayad oo Alle si cad ugu sheegayo in aadamigu isagu is xukumo. Waxaan doonayaa in aan la isku qaldin mas’uuliyadda iyo xukunka waa labo shay oo aan shaqo isku lahayn. Mas’uuliyadda qofka isagu isma saaro ee xukun Alle ayuu ku noqdaa waana laga dacwoon karaa haddii sida Alle xadiday ay u dhici weydo, laakiin qofka la xukumaa cidda xukunta kuma laha dacwo wax alla wixii ay ciddaasi ugu taliso ayuu ku gawracan yahay, sidaas darteed xukunka Alle ayaa iska leh lagamana daba hadli doono.

فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُمْ بِذَنْبِهِمْ فَسَوَّاهَا(14) وَلَا يَخَافُ عُقْبَاهَا(15)

Waxaa kale oo kuu sii caddaynaya in uusan aadamigu talada wax ku lahayn ma jirto wax ka mid ah abuurka Alle oo uu aadamigu u dejiyey sharci oo ay iyagu xukumaan, dadkuna waxay ka mid yihiin abuurka Alle ee uusan aadamigu xukumin.

Marka xukumiddu waa xakamaynta qofka si uu amarada u qaato ayna u fududaato in la agaasimo. Marka cidda in ay dadka xukunto xaqa u lihi waa in uu ahaado mid waxyaabaha dadka haysta ee dhibaatooyinka ahi aanay haysan sida ay u baahan yihiinna u baahnayn cid wax yeeli kartaana jirin lagana xog ogaalsanayn. Intaas oo astaamoodna waxaa iska leh Alle keligiis. Qofka odhanaya dad ayaa xukumaa oo aan intaas oo astaamood lahaan karin sow noqon maayo beenlaw Ilaahnimo sheeganaya.

WAXAAN DADKA ISLAAMKA AH UGA DIGAYAA IN AY SAMAYSTAAN ILAAHYO FARA BADAN OO AY MEESHII ALLE IYAGA KA CAABUDAAN. KUWAAS OO AH MADAXEYNE, WASIIRKA KOOBAAD, WASIIRKA, XILDHIBAANKA, GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA, TALIYAHA CIIDAMADA IWM.

Haddii aad taladaas qaadan weydaan markii ay cadhada Alle idinku dhacdo cabaadka dhaafa. Sida uu shaydaanku idinku odhan doono maalinka ay xeedho iyo fandhaal kala dhacaan ee aad xaqiiqada soo taabataan.

وَقَالَ الشَّيْطَانُ لَمَّا قُضِيَ الْأَمْرُ إِنَّ اللَّهَ وَعَدَكُمْ وَعْدَ الْحَقِّ وَوَعَدْتُكُمْ فَأَخْلَفْتُكُمْ وَمَا كَانَ لِي عَلَيْكُمْ مِنْ سُلْطَانٍ إِلَّا أَنْ دَعَوْتُكُمْ فَاسْتَجَبْتُمْ لِي فَلَا تَلُومُونِي وَلُومُوا أَنْفُسَكُمْ مَا أَنَا بِمُصْرِخِكُمْ وَمَا أَنْتُمْ بِمُصْرِخِيَّ إِنِّي كَفَرْتُ بِمَا أَشْرَكْتُمُونِ مِنْ قَبْلُ إِنَّ الظَّالِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ(22).

Haddaba arrinkaas qof qof xaq ugu lihi ma jiro ee waa arrin uu Alle u xaq lee yahay, sidaas darteed ruuxii isku daya in uu dad u dejisto xad iyo xuduud waa ruux si cad u sheeganaya in uu yahay Alle oo kale, waayo wixii uu Alle xaqa u lahaa ayuu isaguna iska dhigayaa in uu xaq u lee yahay.

Waxaa xukunka iska leh cidda sharciga lagu dhaqmayo dejisay, marka haddii uu sharciga ummadi ku dhaqmayso uu yahay mid aadami dejiyey ummaddaasi aadamigii dejiyey ayay caabudaan una ah Alle, haddiise ay ku dhaqmaan sharciga Alle dejiyey Alle ayay caabudaan.

Haddii aan in yar ka sheego caabudiddu waa u noqosho addoon loo noqdo cid sababo jira awgood. Marka ciddii ku dhaqma sharci ku sheeg aadami sameeyey waxay addoomo u yihiin dadkii sharcigaas dejiyay, ciddii ku dhaqanta sharciga Allena isaga ayay addoomo u yihiin.

Marka dawladdu waa koox dad ah oo xukunta dal iyo dad aan cid kale xukumin. Bal u fiirsada hadalka “aan meel kale laga xukumin” waxay meesha ka saarayaan xukunka Alle oo ay lee yihiin aan Alle xukumin. Qofku laba Ilaah addoon uma wada noqon karo, sidaas darteed ama aynu aadami u noqonno addoon ama Alle. Anigu kolleyba Alle ayaan u noqonayaa una ahay addoon cid kalena kama yeelayo inshaa Allaahu.

Maqaal aan horay u qoray ayaan uga hadlay in qof qof kale xukumaa waa gumaysi ama addoonsi xornimaduna waa in qofka uu Alle xukumo oo aan isaga iyo Alle loo dhexayn. Allena lagama xoroobo ee waa lagu xoroobaa taas oo ah gacan aadami oo aan dhib iyo dheeftoona kuu haynin ayaa looga baxaa.

Dawladduna ama ha ahaato dad kula qabiil ah ama ha ahaato kuwo ajnebi labaduba waa addonsi, sidaas darteed dadka doonaya dawlad xakamaysa in ay yeeshaan waxay la mid yihiin dad doonaya in ay qof iyaga oo kale ah u noqdaan addoomo meeshii ay Alle uga noqon lahaayeen.

Waxaa maanta ayaan darro ah in dawladnimadu ay dhiigeenna ku duxday ayna adag tahay in qof loo sheego in ay dawladnimadu tahay Ilaah shaagasho ayna adag tahay in uu qaato fikirkaas, hase yeeshee uu yahay fikir xaq ah.

Way caddahay in madaxnimadu tahay Ilaah sheegasho xumaanteedana waan aragnaa laakiin sida wax naga yihiin ma garan karo. Meesha wax ka qaldan yihiinna waa fikir xaaraan ah oo beri fog loo qaatay in uu xaq yahay haddana baadil ah.

Madaxnimadu waa derejo la dheer yahay dadka kale, waxaana dadku ku kala sarreeyaa Alle ka cabsiga sida aayaddu sheegayso

يَاأَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ(13)

Madaxnimada dadku ma aha xaq ee waa baadil dadkuna run u haysto lagana saari karin. Haddii dadku joojin lahaa madaxnimada aadamiga dhibaatooyinka haya ee ragaadiyey horumarkii ay gaadhi lahaayeen waa dhammaan lahaayeen oo ma jireen.

Waxaan sidaas u fiiriyey markii Somaliland ay Riyaale Kaahin dooranayeen, waxaan haddana arkay isagii oo cagaha wax ka deyey, Siilaanyo ayaa beddelay oo ay dadku soo doorteen haddana isagii ayaa fara kulul lagu hayaa maanta, kuwa faraha kulul ku haya haddii ay beddelaan iyagana saadembe ayaa faro kulul lagu qabanayaa sidaas ayuu adduunku ugu yaha geeddi uu raray nin aan furi doonini.

Somaliland keliya kuma koobna dhibaatadu ee waa mid adduunka dhan haysata, bal daya Obamihii shalay sacabka loo tumayey oo isna maanta gebogebo jooga. Waxaa xaaraan ah in wax aadan xaq u lahayn oo berri lagaaga daba imanayo boobtid, danse kama lihid oo waxaad tahay daalim boobka u badheedhay waxaase meesha ku riiqday waa midka mar kasta kii boobi lahaa ee dullayn lahaa caabudaya, Allihii wax alla wixii uu doono siiyey una hayana diidan oo lagu soo kari la’ yahay.

Arrinkan aan labada jeer ka dhawaajiyey waxaan doonayaa ama ugu baaqayaa culumada Soomaaliyeed in ay dadka kala hadasho waayo waxay ka mid tahay xilka na saaran ee ah in dadka alga reebo xumaha lana faro khayrka.

كُنْتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلَوْ ءَامَنَ أَهْلُ الْكِتَابِ لَكَانَ خَيْرًا لَهُمْ مِنْهُمُ الْمُؤْمِنُونَ وَأَكْثَرُهُمُ الْفَاسِقُونَ(110).

Qore : Omer Suleiman Ali

11/11/12

Like it? Share it!