Dawladnimadu Waa Mushriknimo- WQ: G/le Sare Omer Suleiman

by Yahye | Monday, Mar 12, 2012

Waynu ahaan jirnay dawlo haddana waxaynu doonaynaa oo aynu hiil iyo hobo ugu jabnay soo celinta dawladdii Soomaaliyeed ee waayo jiri jirtay, laakiin innaga oo ah ummad Islaam ah la isma weydiin in dawladnimada ay diinta Islaamku ogoshahay iyo in kale. Markii uu Ingriisku xoraynayey qaybtii Soomaaliya uu haytey wuxuu ku dhahay dawladnimo qaata dhulkii reserve area la odhan jiray ee aan siiyey Itoobiyana iska illooba dib uma soo laabanayo eh. Markaas ayaa faraha lagula booday iyada oo ay dadka hawadoodu u sheegtay in ay noqon karaan madax beddesha tii Ingriiska, laakiin aan ka fekerin wax diin ah. Dawladdi waa koox dad ah oo xukunta dhul xuduud go’an leh iyo dad tiro go’an leh, waxa ay diintu ogolaynna waa in dad uu xukumo dad kale, waayo dadka wax xukumaya iyo kuwa la xukumayaba Alle ayaa wada xukuma. Waxaan uga jeedaa ciddii wax xukuntaa waa in ay tahay Alle oo keliya, sidaas darteed dawladdu waxay is dhigtay meesha Alle markii ay sharci u dejisatay in ay dad ku xukunto sida Alle oo kale. Nebi Muxummad csw ayaan xukumi jirin dadka waxaana kuu muujinaya aayaddan hoos ku dhigan.

لَيْسَ لَكَ مِنَ الْأَمْرِ شَيْءٌ أَوْ يَتُوبَ عَلَيْهِمْ أَوْ يُعَذِّبَهُمْ فَإِنَّهُمْ ظَالِمُونَ(آل عمران 128).
Macnaheeduna uu yahay in aan u dembi dhaafo iyo in aan cadaabo waayo waa daalimiinta adigu wax shaqo ah kuma lihid.
CAABU MAXAA LOOLA JEEDAA?

Ereyga caabud عبد waa addoon u noqosho dadku waxay addoon u wada yihiin Alle oo keliya marka qofku uma noqon karo qof kale addoon waana dembi culus oo shirki ah toobadna lahayn. Marka haddii koox dad ahi ay isku magacawdo dawlad ayna dadkii u samaysato sharci jeebkooda ah, boolis, maxkamado iyo xabisyo qofkii ka hor yimaadda qorshahoodana ay xabis iyo cadaab badan mariso, miyaanay ahayn addoonsi. Arrinkaas cid u leh xaq ma jirto ciddii isku dayda in ay sidaas yeelaanna waa cid Ilaah ku haysata Ilaahnimadiisa xaqa ah. Waxaad kuwaas mooddaa kuwa ay aayaddan hoos ku dhigan ka hadlayso.

قُلْ مَنْ رَبُّ السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضِ قُلِ اللَّهُ قُلْ أَفَاتَّخَذْتُمْ مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ لَا يَمْلِكُونَ لِأَنْفُسِهِمْ نَفْعًا وَلَا ضَرًّا قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الْأَعْمَى وَالْبَصِيرُ أَمْ هَلْ تَسْتَوِي الظُّلُمَاتُ وَالنُّورُ أَمْ جَعَلُوا لِلَّهِ شُرَكَاءَ خَلَقُوا كَخَلْقِهِ فَتَشَابَهَ الْخَلْقُ عَلَيْهِمْ قُلِ اللَّهُ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ(الرعد 16).
Macnaheeduna noqonayo sidatan: Nebi Muxammadaw waxaad weydiisaa yaa abuuray oo iska leh sidii uu doonana ka yeela cirarka iyo dhulka markaasna u sheeg in uu Alle iska lee yahay, haddaba ma kuwo aan naftooda dhib iyo dheef toona u haynin ayaad meeshii Alle iyaga madaxda ka dhiganaysaan, waxaad kale oo ku dhahdaa mid indho la’ iyo mid indho qabaa ma siman yihiin, mugdi iyo iftiinse ma siman yihiin, mase kuwo aad lee dihiin abuurka Alle abuur u eg ayay abuureen markaas ayay labadii abuur iyaga isaga ekaadeen ayaad Alle ku sidkaysaan, sidaas darteed waxaad ku dhahdaa Alle mooyee cid kale oo wax abvuuri kartaa ma jirto waana kan keliya loo wada sandullaysan yahay.

Marka dawladdu waa hay’ad Alle ka sokow dadka addoonsata weliba ku cabiidisa in ay Alle ka fogaadaan oo aanay Alle caabudin ee ay dawladda caabudaan. Sidaas darteed ayaan u arkaa in ay dawladnimadu tahay sanam la caabudo. Waxaan hubaa in maamulka Islaamiga aan loogu yeedhin dawlad ee ay tahay in loogu yeedho wilaayadda Islaamiga ah, taas oo tacriifteedu ka duwan tahay midda dawladda.

Haddii qof uu u noqdo midiidin qof ama koox dad ah ama ajnebi ha ahaadeen ama sokeeye ha ahaadeen eh, kuwaas ayuu caabudaa iyaguna waxay u yihiin sanam uu caabudo, arrinkaasina wuxuu salka ku hayaa shirki iyo toobad seegid. Marka su’aashu waxay tahay ummadda dhan ee sheeganaysa Islaamka ee ku socota shirkinimada iyo toobad seeggu sidee isu saaraa.
Waxaan arkaa in Soomaalidu iyaga oo sheeganaya Islaam ay haddana sanam la dhaho dawlo ay caabudaan ayna Alle dartiis u tukadaan, soomaan, sekedana u dhiibaan una xajaan, laakiin manhajkii Alle soo dejiyey oo dhan intiisii kale ay siiyaan dawladda. Mushriguna waa ruux hal mar wasda caabduaya Alle iyo sanam, sidaas darteed waxaan ummadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay diidaan dawladnimada ee ay dhistaan wilaayad Islaam ah.

Markii ay Aadam iyo Xaawo uu Ibliis geedkii cunsiiyey ayuu Aadam baryey sida aayddu sheegayso Alle markaas ayaa Alle ku dhahay dhammaantiin meeshan ka baxa waxaanna iga soo kiin gaadhaya jahayn ruuxii qaataa uusan cabsi iyo murugo toona arkayn.
قُلْنَا اهْبِطُوا مِنْهَا جَمِيعًا فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ مِنِّي هُدًى فَمَنْ تَبِعَ هُدَايَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ(البقرة 38).

Marka uu Aadam baryayo Xaawo waa la jirta isaga oo keliya ayayna aayaddu xusaysaa in uu Alle baryey. Taas waxaa ka muuqata in Xaawo ay isaga ka mid ahayd, sidaas ay tahayna uusan isagu xukunka lahayn ee Alle xukuamayey, dembigiina ku mutaysteen in ay dhulka u soo degaan si loo eego oo tijaabo loogu sameeyo.

Dawladnimo ma xaq baa mase waa xaaraan
Sida aan kor ku soo sheegnay marba haddii ay dawladdu tahay dad xukun dad iyo dal meel ay kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka uga dhigan tahay in uu dadku is xukumo ma jirto. Waxaan ka digayaa in la isku qaldo وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ oo ah dadka fulinta shareecada Islaamka loo idmaday, kuwaasi ma aha kuwa la diiddan yahay ee kuwa la diiddan yahay waa kuwa aan naftooda iyo taada toona ku ilaalinayn shareecada Alle. Marba baddii ay dawladdu tahay dad xukuman dad iyo dal diin ahaan waa xaaraan, waayo xukunka waxaa iska leh Alle oo keliya sida ay aayaddani na barayso. Macnaha aayadda oo kooban waa sidatan:

Sida runta ah Eebihiin waa Allaha cirarka iyo dhulka ku abuuray lixda maalmood ka dibna ku ekaaday carshigiisa ee ka bixiyey amarka ay wax waliba ku kala socdaan, in uu isagu iska kaa dhaafo mooyee cid kale oo kaa celin kartaa ma jirto, sidaas darteed Allaha ah Eebahaa waa midkaas ee caabuda haddii aad wax garanaysaan.

إِنَّ رَبَّكُمُ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَى عَلَى الْعَرْشِ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ مَا مِنْ شَفِيعٍ إِلَّا مِنْ بَعْدِ إِذْنِهِ ذَلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ(يونس 3).
Dadkuna wuxuu ka mid yahay abuurka amarada uu Alle siiyey ku kala shaqaynaya. Aayaddan oo keliya ma aha ee waxaa jira aayado kale oo fara badan oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku minguursani.

قُلْ مَنْ يَرْزُقُكُمْ مِنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ أَمَّنْ يَمْلِكُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَمَنْ يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ الْمَيِّتَ مِنَ الْحَيِّ وَمَنْ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ فَسَيَقُولُونَ اللَّهُ فَقُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ(يونس 31).
Dhammaantoodna waxay ka hadlayaan in Alle uu isagu amarkiisa ku kala wado uunka oo dhan, cid kale oo awoodaas lihina jirin ciddii sheegataana yihiin beenaalayaal.

Sida ka muuqata aayaddan kale ee hoos ku dhigan wuxuu Alle noo sheegayaa in diinta ama sharciga Alle agtiisa laga ogol yahay uu yahay shareecada Islaamka oo keliya. Taas oo ah in wax kasta la waafajiyo xukunka Alle.

إِنَّ الدِّينَ عِنْدَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ وَمَا اخْتَلَفَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ إِلَّا مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ وَمَنْ يَكْفُرْ بِآيَاتِ اللَّهِ فَإِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ(آل عمران 19).
Waxaynu Quraanka in badan ku aragnay aayado ka hadlaya in Alle mooyee dadku lahayn weli kale laakiin afka Soomaaliga oo gaasir ah iyo culumada oo Soomaali ah darteed aragti qaldan ayaa laga bixiyey, laakiin ereyga macnaha loola jeedaa waa Alle mooyee madax kale oo arrimahooda wax ka qaban kartaa ma jirto. Waxaana aayadahaas ka mid ah kuwan:

اللَّهُ وَلِيُّ الَّذِينَ ءَامَنُوا يُخْرِجُهُمْ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ وَالَّذِينَ كَفَرُوا أَوْلِيَاؤُهُمُ الطَّاغُوتُ يُخْرِجُونَهُمْ مِنَ النُّورِ إِلَى الظُّلُمَاتِ أُولَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ(البقرة257).
Macnaheeduna yahay: wuxuu Alle madax u yahay dadka mu’miinta ah arrimahoodana isaga ayaa wax ka qabta wuxuuna ka saara mugdiga iyo indho la’aanta wuxuuna u saaraa ilayska si ay xaqa u arkaan, shaydaankuna wuxuu madax u yahay gaalada isaguna wuxuu ka saaraa iftiinka wuxuuna dhex geliyaan mugdi si aanay xaqa u arkin, kuwaasina waa kuwa geli doono cadaabta kuna waaraya.

Aayadaha kale waxaa ka mid ah kuwan hoos ku minguursan in aan halkan ku macneeyo uma haysto boggag aan ku dhigo culumo badan ayaase macnaysay oo laga dhegaysan karaa.

أَلَمْ تَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ لَهُ مُلْكُ السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا لَكُمْ مِنْ دُونِ اللَّهِ مِنْ وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ(البقرة 107). وَدُّوا لَوْ تَكْفُرُونَ كَمَا كَفَرُوا فَتَكُونُونَ سَوَاءً فَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ أَوْلِيَاءَ حَتَّى يُهَاجِرُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَخُذُوهُمْ وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ وَجَدْتُمُوهُمْ وَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا(النساء 89). الَّذِينَ يَتَّخِذُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِ الْمُؤْمِنِينَ أَيَبْتَغُونَ عِنْدَهُمُ الْعِزَّةَ فَإِنَّ الْعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًا(النساء 139). إِنَّمَا وَلِيُّكُمُ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَالَّذِينَ ءَامَنُوا الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَهُمْ رَاكِعُونَ(المائدة 55).

Intaas oo keliya kuma ekaa ee waxay gaadhayaan tiro ahaa boqolaal. Meesha laga lee yahay dawladda waxay ahayd in la dhaho wilaayadda Islaamiga ah, taas oo ah adeegga Islaamiga ah, sidaas darteed ma aha mid iyadu dadka xukunta ee waa mid uu Alle xukumo oo uu madax u yahah.

Shirkigu waa adiga oo Alle iyo sanam isla caabudaya, sidaas darteed Allaha xaqa lagu caabudo waxaynu siinnay salaaddii, soonkii, sekadii iyo xajkii, laakiin sanamka dawladda la dhaho waxaan u tuurnay shareecadii Islaamka oo dhan, beddelkeediinna isaga ayaa mid noo sameeyey. Sidaas darteed:

Waxaan dadka Islaamka uga digayaa in ay ka fogaadaan dawladnimada reer Galbeedka oo ah shirkinimo qaan gaadh ah.

GUNAANAD:
Ummadaha leh dawladdu waa mushrikiyiin Alle iyo dawladda wada caabuda. Dadka Soomaaliyeed ee dawlad la’aan dawlad xun ayaa dhaanta dhahaa waa in arrinkaas ka waantoobaan waayo waa shirkinimo Allena shirkinimada ma toobadda kama aqbalo. In dadku dhahaan dawlad xun ayaa dhaanta dawlad la’aan waa guul darro u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Cid kasta oo diiddan in dawladnimadu tahay shirkinimo ha igala soo xiriirto omer.shalaqo@gmail.com.

G/le Sare Omer Suleiman Ali 07/03/12

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!