Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu dilay Muqdisho

by admin | Monday, Feb 9, 2015

Muqdisho; HN;- Wararka hada soo dhacaya ayaa sheegaya in goor dhaweyd kooxo hubaysan ay Degmada Xamar Jajab ku dileen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan C/laahi Qayaad oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko.
Ragga dilka geystay ayaa watay qori noociisa uu yahay Ak 47 waxaana la maqlaayay dhawaqa rasaas xoogan oo ay ku fureen Xildhibaanka xilli uu saarnaa gaari yar.

Xilliga falka dilka uu dhacaayay ayaa Xildhibaanka gaarigiisa wuxuu taagnaa meel ku dhaw Isgoyska Umbulutooriyada Degmada Xamar jajab, waxaana goobta ka baxsaday kooxihii geystay falka dilka ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aad u badan ayaa hada goobta soo buux dhaafiyay, iyaga oo qabtay hal ruux oo looga shakiyay wax ka ogaanshaha dilka Xildhibaanka.

Kooxdii dilkaan geysatay ayaa baxsatay waxaana ay ku carareen Xaafadaha Degmada Xamar Jajab, iyadoo aysan jirin cid ka daba tagtay.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!