Baarlamaanka oo kalsoonidii kala noqday ra’iisal wasaare Cabdiwali iyo xukuumadiisa

by Yahye | Saturday, Dec 6, 2014

Muqdisho; HN;- Gudoomiyaha baarlamaanka oo si rasmiya ugu dhawaaqay in xildhibaanada baarlamaanku si aqlabiyad ah ugu codeeeyeen in kalsoonida aay kala noqdaan raisulwasaare Cabdiweli Sh, Axmed.

Tirada dadka u codeeyey in xukuumadu dhacdo ayaa ah 153 xildhibaan halka 80 xildhibaana aay diideen, waxaana ka aamusay 2-xildhibaan, taasoo dhigeysa in xukuumada raisulwasaare Cabdiweli dhacday.

Is jiijiid dheer iyo buuq hareeyey golaha shacabka kadib ayaa maanta si rasmiya oo degenaan ku jirto waxay xildhibaanadu maanta oo ah sabdi 6 dec 2014 u codeeyeen in xukuumadu dhacday.

Madaxweynaha Somaliya ayaa wuxuu heystaa mudo 30-maalmood ah inuu raisulwasaare ku soo magacaabo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!