Degmada Buula-burte oo noqoneysa taliska ciidamada Hirshabeelle

by wadani | Saturday, Jul 15, 2017

Beledweyne : HN :-Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa sheegay taliska guud ee ciidamada Maamulkaasi inuu yahay Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.

Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan Shabeelaha Dhexe iyo kuwa ku sugan Hiiraan in taliskooda guud uu noqon doono Magaalada Buulo Burde.

Waxa kale uu sheegay inuu socdo qorshaha lagu dhisaayo ciidanka Booliska Hirshabelle.

 Ciidamada ku sugan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay ka tirsan yihiin ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo Hirshabelle weli aanay dhisan ciidan si gaar ah maamulkaasi u hoostagga

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah