Degmada Dhanaan Waa Dulmanaha Aamusan (W/Q abdirashiid dhanaane)‏

by admin | Friday, Jan 27, 2012

Degamada dhanaan oo katirsan gobalka Godey ayaa ah Magaalo ay kunoolyihiin bulsho aad ufrabadan kuwaas oo kor u dhaafahay 73000 kun oo qof oo dhamaantood ah bulsho xoola dhaqato iyo beeralay ah waxayna noolashoodu ku tiirasntahay xoolaha nool iyo dalaga kasoo baxa beeraha ay tabcadaaan.

Degmada dhanaan waa degmdo mudatay dib udhac dhanka mashaariicda hormarinta iyo faya dhowrka bulshda taas oo ay deeganada lamid ka ah sitoos ah ooga helaan dowlad deegaanka soomalida Ethiopia oo iyadu mashaariic farabadan ku bixisa hormarinta deeganada.

Degmada dhanaan malaha goob caafimaad taas oo lagula tacaalo xanaada caruurta iyo fayadhowrka hooyooyinka marka laga reebo hal xarun caafimaad oo maxali ah waxana lagula tacaala dhamaan bukaan socodka iyo dadka nugulba waxana maareeya hayada maxali ah taas oo lagu magacaabo AWDA.

Hayada AWDA ayaa ufulisa bulshada howlo caafimaad oo bilaash ah taas oo ay si wacan oogudiir sadeen dadka deegaanka hasse yeshee wali waxaa kamaqan dadka deegaan kaalintii ay dowlada deegaanka ay kulahayeen taas oo gabani ahaanba soo gaadhin degmada dhanaan.

.

Dowlada deeganka soomalida Ethiopia yaa si gaabis ah umaaraysa goobo caafimaad oo loo sameeyo degmada dhanaan waa mushkilad iyo dhibaato qeexan oo dhanka caafimaad ka kahaysta degmada dhanaan waxana is waydiin mudan meesha ay kubaxaan qarashaadka iyo dakhliga ay dowlada oogu talagashay wasaarada caafimaadka qaybtii ay ku bixin lahayd degmada dhanaan.

Degmo kaste oo katirsan gobalka deegaanka soomalida waxaa loo qoondeeyaa sanad miisaaniyeed dakhli farabadan kaas oo loogu talagalay in lagu maareeyo adeegyada caafimaad iyo la tacaalida bukanada deg mooyinka iyo waliba gobalada kaladuwan ee deegaanka soomalida waxaana is waydiin leh meesha ay maraan baajeedkii loogu talagalay fulinta adeegyada caafimaad taas oo ay kubaxdo malaayiin bir.

Sidoo kale degmada dhanaan ma hesho wax barasho waafi ah oo kufilan ubadka soo korahaya ee ubaahan kobcin waxbarasho iyo kor uqaadis heerkooda wax aqooneed hasa yeeshee ubadka reer dhanaan kama helaan xafiiska waxbarashada ee deegaanka waxbarasho dhamaystir taas oo ahayd in ay si haqab tiran u helaan dhaman adeegyada waxbarasho sida macalimiin kufilan,goobaha waxabarashada, iyo adeegii lagu fulin lahaa.

Shabakada danwaa media network oo in muda ah u kuuurgalaysay heerka wax barasho ee degmada Dhanaan ayaa heeshay in ay ardayda soo xaadirata iskuulka aysan helin macalimiin kufilan iyo waliba macalimiin tayo leh kuwaas oo awooda in ay daboolaan baahidooda waxbarasho taas oo u baahan macaliim khibrad dheer oo aqooneed leh.

Mar ay booqatay shabakadu iskuulka sare ee degmada dhanaan xili ay fassalka ku jireen arday boqlaal gaadhaysay kujireen fassalada ayaa waxaa shabakada looga warbixiyay in ay iskuulka sare ee degmada dhanaan ay ka howlgalaan 6 macalim oo kali ah kuwaas oo lasheegay in ay soo dirtay wasaarada waxbarashada deegaanka soomalida ethopia taaas oo kutusinaysaa in ay ardaydu aysan helin waxbarasho kufilan taasna ay caqabad ku noqonayso in ay ardayda degmada dhanana la tartamaan aradayda facooda ah ee sida habsami usocodka leh u hela dhamaan adeegayada assaasiga ah ee waxbarasho.

Macalimiinta iyagu ka howlgala degmada dhanaan ayaa lasheegay in aysan badankood soo xaadirin goobaha wax barashada waxaana lasheegay in ay qaataan uun mushaaradka bisha iyaga oo intooda badan aysanba joogin magalada Dhanaan.

6 da macalim ee dhigta iskuulka sare ee degmada Dhanaan ayaa ah ethopian aanan awoodin ku hadalka luuqada soomaliga taas oo caqab wayn kala kulmaan ardayda kasoo gudubta fasalada 8 aad kuwaas oo anan awoodin in ay ku hadlaan luuqada AXMAARIGA iyo waliba ENGILISHka.

Dowlada deegaanka ayaa lagu dhaliilaa in aysan dabagal kusamaynin laamaha xaafiisada hoose ee heer degmo taas oo usaha shay in ay dhacdo wax isdaba marin iyo musuq maasuq baahsan taas oo dhabar wareenta bulshada deegaanka oo dhan.

Degmada dhanaan waxay la dheertahay deegaanada kale dhiibaato ugaar ah oo aysan haysanin gobalada iyo degmyooyinka kale taas oo ah biyo la,aan far aba,an ku haysa dhamaan mujtamaca degmada Dhanaan.

Dowlada deeganka soomalida ayaa si cad iskaaga indhatirtay dhibaata iyo baahida biyo la,aaneed ee kajirta degmada Dhanaan waxana marag kanahay in dhawayd ba in ay dowlada deegaanka soomalida sheeganaysay in ay biyo galinayso degmooyinka aysan horay oo gajirin biyo galintu.

Bulshada reer dhanaan ma helaan biyo nadiif ah iyo xitaa biyo caadi ah oo kufilan kuwaas oo dabooli kara baahida ay bulshadu u qabto in ay hesho biyo kufilan iyada oo aysan jirin cid xil iska saratay xal u helida mushkilada biyo la,aaneed ee ladagtay demgada Dhanaan.

Arintan ayaa noqonaysa mid aad loola yaabo lana qaadan la,yahay waxa xanibay biyo galinta degmada dhanaan taas oo in kabadan 10 sano loo ol olayn hayay in biyo galin loo sameeyo degmada Dhanaan hassa yeeshee shirkad walba oo soo qaadata qandaraas biyo loogu qodahayo degmada dhanaan waxay sheegtaa markii ay lunsato kharashaadkii loogu talagalay biyo qodinta in aysan lahayn degmada Dhanaan ceel ay biyihiisu dabooli karaan bulshada, qaar kamid ah shirkadaha qandaraaska soo qaatana waxayba ku andacoodaan in ay magalada dhanaan biya heedu milix ama dhanan yihiin madamaa ay lamagac baxaday dhanaan!!!,

Xukuumadihii kaladuwanaa ee kasoo talin jiray gobalka DDSI ayaa nan marna siinin wax ahmiyad ah iyo isku taxalujin toona xal u helida biyo la,aanta degmada dhanaan iyada oon wada ognahay inta uu ujiro wabiga shabeele degmada dhanan taas oo ah in kayar 80km tir.

Mar wax laga waydiiyay mid kamid ah madaxdii gobalka soo hagimisay sanadii 2007diii sida ay xal oogu heli karaan biyo galinta dhanaan ayaa waxa uu kaga jaabay arintaas in uu dhanana ku soo kor maray diyaarad heli kabtar ah ayna hayd dhanaan degmada kali ah ee ay kamuuqatay barwaaqo taas oo aad loola yaabay xiligaas oo ahayd xili jilaal ah bar waaqada uu shegahay madaxwayne abdulahi lugbuura ay ahayd boocda ama galiilaha kabaxa dooxada dhanaan.

Dowladan haatan katalisa deegaanka oo iyadu utagaxaydatay hormarinta bulshada deegaanka soomalida Ethiopia ee uu darawalka u yahay mudane Abdi maxamuud cumar ayaa laga dhowr sugahayay in ay ku dhaqaaqdo horumarinta degmada Dhanaan hasse yeeshee daruurhii roobka waxay isu badaleen ciiryaamo dib udhaceed.

Xukamada DDSI ayaa dhawaan soo iibsatay riigag loogu talalagay in ay biyaha kasoo saaraan dhulka hoose taas oo ay bulshada deegaanku aad oogu faraxaday khaastan mujtamaca reer dhanaan oo iyagu u hanqal tagahayay in ay marka oogu horaysa helayaan adeeg biya galineed hassa yeeshee bulshadii reer dhanaan wali waxay gaar dymoon hayaan dhanka dhanka xukuumada DSSI oo iyadu takhli iyo maaliyadba kufilan biya galinta dhanaan haysa.

Xukuumada ayaa laga soo xigtay in ay xafiiska hormarinta degmooyinka uu uqoon deeyay degmada Dhanaan lacag gaadhaysa 3 milyan oo bir taas oo lashegay in biyo galin loogu samayn doono degmada Dhanaan lakiin waxaaad moodaan in ay tahay uun balan qaadkii lagu aqoon jiray xukuumad ay bulsho codsi udirsato.

Madax waynaha deegaanka oo issagu dhawaan balaqay in uu wacad kumaray in uu dhanka biyaha kahaqab tiri doono bulshda deegaanka oo dhan lakiin wali degmada dhanaan way ka oomantahay balanqaadkii madax wayne C.M.C.

Khuburad ka faalooda deegaanka ayaa sheegay in ay dhanaan tahay mid lamaga maar maan ah in loo heloo biyo galin waxayana soo qaateen saynis yahan reer dhanaan ah oo kamid ah dadka kuxeel dheer dhanka biyaha dhulka hoose ceegaan in uu ceel ka helay inta udhaxaysa tuulada DANBARWAYNE iyo Magalada unajirta qiyaastii magalada wax kyar 20km.

Dowlada degaanka ayaa dhawaan kaqoday 5 ceel biyoood xaafad kamid magalada dhagax buur taas oo anan wali lagarnaynin sida ay kudhacday in ay hal xaafad hesho 5 ceel biyo degma dhanaan oo mujtamac farabadana dagna ay wali tahay biyo la,aan dadka falan qeeya siyaasada deegaanka ayaa qeexay in ay oogu wacntahay hoos udhaca demada dhanaan bulshada reer dhanaan oo anana ubisllayn horumarinta deegaankooda.

Sidoo kale degmada dhanaan waxaa ku magacaab taleefan taas oo aduunka lamaqashiiyay in ay degmada dhanaan leedahay taleefan lagala xidhiidho hadaba waxaa iska cad oo xaqiiq ah in ay degmada dhanaan xaq u leedahay in ay yeelato taleefan iyo waliba iskaagsiinta casriga ah oo dhan hasse yeeshee taleefanka kumagacaaban degmad dhanaan ayaa ah mid ay caqabad wayn kala kulmaan bulshada deegaanka .

Marka koobaad taleefanku waxa uu yalaa jirdiinka xeerada ciidanka milatariga oo iyadu magalada ka go,an waxaana yaala 4 madax cidii nasiib u hesha in ay lahadsho qoyskeeda waxay ku qaadanaysaa wakhti dheer taas oo ah in loo raadin hayo xaafadiisa kadibna lakeenahay goobta uu taleefanku yaalo.

Dhanka kale 4 madax bulshda oo ma wada shaqayo oo 3 kamid ah waa ganacsi oo looma ogala in laga soo waco bulshada rayidka ah waxana loo oglayahay in ay ku hadlaan bulshda reer dhanaan oo dhan 1 madax taas oo kutisanaysa dhibaatada ka haysta dhanka taleefanka.

Mar ay shabada danwaa booqatay goobta uu yaalo taleefanka ayaa waxay indaheeda kusoo aragtay assakar iyo ciidan farabadan oo fiilo oogu jira in ay lahadlaan eheladoodii iyo bulshadii reer dhanaan ee uu magacooda ku yalay taleefanka oo banaanka kajooga goobta taleefanaka su,aalo aan waydiinay dadkii rayidka ahaa ayaa waxay noo sheegeen in 4ta madax ee tala xafiiska 3 kamid ah ay ciidaka iyo cidii lacag bixisa ee doonayso in ay meel wacato ay isticalahayaan 1ka soo hadhayna loogu talagalay in ay bulshada reer dhanaan oo dhani isu daba fadhiistaan.

Sidoo kale waxaa marar badan dhacda in la xidho xafiiska uu taleefanku yaalo taas oo lasheegay in ay oogu wacantahay in qofka shaqalaha ah ee ay dowladu usoo dirtay in uu ufuliyo adeega bulshada markii uu doono in uu fasax aado latagahyo furaha illa uu kasoo noqon hayana ay sii xidhnaanayso goobta adeega ee taleefanka.

Tani waa war bixino xaqiiq ah oo an kadiyarinay degamda dhanaan iyada oo aan ognahay in ay jiraan dad iyyag dafirahaya hagar daamada iyo dib udahca haysta degmada dhanaan lamina garanhayo cidda ku qasbaysa in ay qariyaan dhibaatada haysata degmada dhanaan.

Maxaa lagud boon bulshada reer dhanana daljoog iyo dibad joogba?

Si looga baxo dhibaatada kaladuwan ee haystada umada reer dhanaan waxaa lagama maar maan ah in ay katashadaan ayaa musaqabalkooda horumarineed oo ay kagudbaan goobta ay hada taagan yihiin oo ah meel uu qayrkood dhaafay arinta koobaad ee taasi kudhici kartana waa iskaashi ,wada tashi,iyo isku xidhka jaliyaadka kaladuwan ee reer dhanaan ee kugalasugan dunida daafaheeda iyo bulshada wali joogta demadii.

Waa in ay is abaabulaan dhamaan dibadjoogta iyo daljoogtaba kana jiba keenaan sidii ay xal kama dan bays ah oogu heli lahaayeen dhibaatada aan soo sheegnay ee haysta degmada Dhanaan .

Waa in laga gudbo dib u iskugu noqoshada arimaha dhax yaalka ah oo horay talaabada loo qaado waayo waxaa horay loo yidhi sac ninkii lahaa saynta kaga taagan yahay waa lama kacshaan ee degmada waa in aan innagu bilownaa ol olaha horumarineed kadibna baahideenana aan ubandhignaa dowlada degaanka ta fadaraalka iyo waliba beesha caalamka innaga oo umarayna jidwalba oo ay kusuuragalayso kamidha dhalinta hurumar waara oo ay gaadho degmada Dhanaan.

Degmada dhanaan majirto cidkale oo umaqan oo anan ka ahayd bulshada degta ee waa in sida oogu dhakhsaha badan looqabtaa shirar iyo kulamo looga arinsanhayo siidii loo maarayn lahaa dhibaataadan ku habsatay demada dhanaan iyada la joojiyo iska indhatirka baahida taala degmada.

Abdirashid Abdulahi Ahmed(dhanaane)

Email dhanaane22@hotmail.com

www.danwaanews.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!