Degmada Dhuusa-mareeb oo lagu arkay warqado digniin ah

by admin | Tuesday, Dec 16, 2014

Dhuusa-mareeb : HN :– Dadka ku dhaqan degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa saakay ku soo toosay waraaqado ay ku qoran tahay astaanka  Al Shabaab oo daadsan degmada Dhuusa mareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ilaa iyo todobo wado oo marta.

Dadka shacabka ayaa dareemay qal qal kadib marii ay arkeen waraaqadahani ay ku qoran tahay astaanka Al Shabaab ayaa is weydiiyay halka ay ka yimaadeen walow dadka badanii ay aminsan yihiin in Shabaab ay keeneen.

Waddooyinka waaweyn ee Dhuuso-mareeb ayaa warqadahan, iyadoo dadweynaha ku nool degmadaas qaarkood ay sheegeen inay rumeysan yihiin in warqadahan ay Al-shabaab ku daadisay magaalada.

Gudoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud, C/raxmaan Geedo-Qoroow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ayDhuusamareeb aaminsan yihiin in warqadahan astaantaan leh ay ku daadiyeen magaalada dad doonaya inay amaanka qal-qal-geliyaan.

“Anigu waxaan aamisanahay in warqadahan ay daadiyeen dad doonaya inay magaalada cabsi-gelin ka abuuraan, Al-shabaab Dhuuso-mareeb iyo meel u dhow ma joogto, dadka ku saxiixan warqadahanna maba joogaan gobolka oo dhan,” ayuu yiri C/raxmaan Geedo-qorow.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb ayaa hadalkiisa ku daray inaysan jirin wax cabsi ah oo laga qabo Al-shabaab, wuxuuna ka digay in ammaanka qal-qal la geliyo, wuxuuna shacabka ku wargeliyay inay is-dajiyaan.

Warqadahan ayaa ku soo beegmay xili dhawaan degmada ay ku dagaallameen ciidamada dowladda iyo kuwa xoogagga Alhu Sunna Waljameeca.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!