Degmada Maxaas oo deeq gargaar ah laga qeybiyay

by admin | Thursday, Jan 29, 2015

Maxaas : HN :– Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanadii lagala wareegay Al-shabaab ayaa dadka ku dhaqan waxaa loo qeybiyay raashin gargaar ah bur iyo bariis.

Muumin Maxamed Xalane gudoomiyaha degamda Maxaas oo warbaahnta la hadaly ayaa sheega in qoyskiiba la siiyay 50kg oo isugu jira bur iyo bariis isagoo sheegay in si cadaalad ah ay u qeybiyeen raashinkaasi.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Maxaas ayaa sheegay in raashinkaasi uu yahay mid aan dabooli karin baahida ka jirta deegaanka, wuxunamaxaas-620x264 gar-gaar ka dalbay hay’addaha gar-gaarka iyo dowlada Soomaaliya in ay la soo gaaraan dadkaasi oo uu sheegay gar gaarka ay siiyeen in uu yahay mid aan dabooli Karin baahiyaha ay qabaan.

Waa gar gaarkii ugu horeeyay oo la gaarsiiyo degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan muddo sanado ah oo ay ku amar ku taagleynayeen argagaxisada Al Shabaab kuwaa oo u diiday dadkaasi nolosha, inkastoo deeqda la gaarsiiyay maxaas ay ka dhigan tahay Badweynta oo cirbib ku dhacday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!