Degmada Qoryoole oo halkii gaari ee gudaha u gallaya laga qaado 400 oo doolar

by wadani | Friday, Dec 9, 2016

Qoryooley : HN :-Maamulka degmada qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in degmada ay go’doon ay ku jirto islamarkana gadiidka degmada in ay soo galaan ay ku adag tahay.

Gudoomiye ku xigeenka Dhanka amniga maamulka degmada qoryooley Maxamed Axmadoow oo la hadlay Idaacadda Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Al-shabaab dagaalyahanadooda ay u muuqato Degmada sidaa daraadeedna dhaq dhaqaaq degmada ay saameyn ku sameeyeen.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa ku eedeyay Al shabaan in gaadiidka gelaya degmada ay ka qaadaan lacag aad u badan oo aysan bixin Karin wadayaasha gaadiidka.

Maxamed Axmadoow ayaa tilmaamay in Halki gaari ee gelaya degmada ay Al-shabaab ka qaadayaan lacag dhan 400 oo doolar (Afar boqol oo doolar)  islamarkaana lacagtaasi ay tahay mid xad dhaaf ah.

Gudoomiye ku xigeenka degmada qoryooley ayaa sheegay in Gaarikasta oo rakaab sida ama doonaya in gudaha uu u galo degmada laga qaadayo lacago badan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!