Degmada Xamar Jajab oo noqotay degmada ugu nadaafad badan gobolka Banaadir

by admin | Friday, Jan 30, 2015

Muqdisho; HN;- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku dhawaaqay in degmada Xamarjajab ay ku guuleysatay tartanka nadaafadda degmooyinka gobolka isagoona markaana uu aad ugu Hambalyeeynayo Shacabka iyo Maamulka Degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab ee maamulka gobolka Baanadir Eng: Axmed Cismaan Dhoore ayaa bulshada ku nool degmadiisa ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen tartarka ololaha nadaafadda degmooyinka gobolka Banaadir.

 Axmed Cismaan Dhoorre ayaa xusay inay guushaasi ay ku timid isku xirnaan ay muujiyeen Shacabka degmada, waxa uuna si gaar ugu mahad celiyay Hooyooyinka Somaaliyeed ee Subax walbo u taagan nadaafada Degmada iyo soo celinta bilicda Degmada.

Gudoomiyaha ayaa balan qaaday inay ku dadaali doonaan sidii ay degmada u noqon lahayd Degmada ugu horeysa dhinacyada isdhexgalka bulshada, amaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo horumarrada kale.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in degmada ay horay u soo booqdeen madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, arrintaas oo dhiirra gelin u noqotay dadka deegaanka.isla markaana ay si adag ugu shaqeeyaan nadaafada Degmada.

Degmooyinka kale ee gobolka ayuu Gudoomiyaha kula taliyay inay ku dadaalaan horumarinta adeegyada danta guud iyo isdhexgalka bulshada iyo sidoo kale hormarinta nadaafada.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!