Denmarka oo sheegtay in la hakiyay qeyb ka mid shirkii looga hadlli lahaa arrimaha Soomaaliya

by admin | Thursday, Nov 13, 2014

Copenhgen : HN :–War ka soo baxay dowladda  Denmark ayaa lagu sheegay in la joojiyay shir hordhac u ahaa shirka 19-ka bishaan Somalia loogu qabanayo Copenhagen, kaasoo ay sheegtay xukuumadda Denmark in sababo amni loo hakiyay.

Kulanka la joojiyay ayaa la sheegay inuu dhexmari lahaa madaxda Soomaaliya iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed, kaasoo dhici lahaa 18-ka bishan, taasoo ah maalin ka hor maalinta la qabanayo shirka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.

“Waxaanu hakinnay kulan dhici lahaa 18 Nov, 2014, kaasoo ay isku arki lahaayeen qurbo-joogta Soomaalida iyo madaxda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Denmark.

Shirka Copenhagen ayaa oo muddo diyaarintiisa lagu howlanaa ayaa la sheegay inuu 19-ka bishan dhici doono, waxyaabaha looga hadliSomalia_Denmark_Flags doonana ay ka mid yihiin; horumarinta, dib u dhiska, amniga, federaaleynta iyo sidii doorasho ay uga dhici lahayd Soomaaliya marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Inkastoo xukuumadda Denmark aysan faahfaahin badan ka bixin sababaha ay u hakisay kulanka hordhaca ah ee loo qaban lahaa Somalida qubaha ku nool iyo madaxdooda, ayaa haddana wararka hoose waxay sheegayaan in sababaha hakadka kulankan uu ku yimid khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Soomaaliya.

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaarihiisa, C/weli Sheekh ayaa dibadda u soo baxay dhammaadkii bishii hore, kaasoo sababay in xildhibaannada baarlamaanku ay laba garab u kala jabaan, buuqna ku saabsan mooshin laga keenay ra’iisul wasaaruha uu ka dhaco gudaha xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Dalalka Mareykanka iyo Britain ayaa walaac xooggan ka muujiyay muranka u dhexeeya madaxda sare ee Soomaaliya, iyagoo ka digay in khilaafkan uu sabab u noqon karo dib u dhac ku yimaada horumarka Soomaaliya iyo inay dalka ka dhaco doorasho sannadka 2016-ka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!