Dhaawacyo loo qaadey dalka iskutaga imaaraadka Carabta ”’Sawirro”

by admin | Monday, Sep 28, 2015

DSC05850Muqdisho : HN :–Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii toddobaadkii u dambeeyay ka dhacay  afaafka hore ee  Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa loo qaaday Maanta Waddanka Iskutagga Imaaraadka Carabta si loo daweeyo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye,Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed iyo wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ku sii Sagootiyay dadkaas oo gaarayay 12 qof oo ka mid ahaa dadkii waxyeellada ka soo gaartay qaraxii Todobaad ka horka dhacay  Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka  Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xaawo Maxamed Xasan ayaa  sheegtay in dadka maanta Imaaraadka looqaada ay a haayeen kuwii ugu darnaa ee ku dhaawacmay  qarixii kooxda shabaab ay ka gaysteen Meel u Dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

DSC05913Taliyaha Ciidanka Boliiska Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa aad ugu mahad celiyay Dowladda Imaaraadka carabta  sida ay uga qayb qaadanayaan Dawaynta dadkaan iyo kaalintooda Muuqata.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed  ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Ammanka si looga hortago Falalka kooxda shabaab ay ka gaysanayaan Magaalada Casimadda ah ee Muqdisho

DSC05940Ugu danbeyntii dhawaan ayeey aheyd markii qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu beegsaday meel aan wax badan ka fogeyn xarunta madaxtooyada, waxaana qaraxaasi ku dhintay tiro ka badan 10 ruux, halka 20 ka badanna ku dhaawacmeen,

DSC05891Hiiraan Net,

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!