Dhakhtar ku eedeysay kufsi oo maxkamad lagu soo taagay magaalada Nairobi

by admin | Saturday, Oct 3, 2015

mugo_2Nairobi : HN :–Maxkamad ku taalla magaalad Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa maxkamad lagu soo taagaydhaqtar xarumo caafimaad oo sharci daro ku lahaa magaaladaasi, waxaana dhaqtarka loo heestaa in uu geestay kufsi uu kula dhaqaaqay haween badan.

Dhaqtarkan oo lagu magacaabo James Mugo Ndichu , ayaa magaalada Nairobi ku lahaa xarumo lagu daweeyo cudurada Haweenka, waxa uuna dhaqtarka xarumihiisa fara-xumeyn iyo kufsi ugu geestay haween badan oo ugu tagay in uu daaweeyo.

Ninkan ayaa sidoo kale loo heestaa in xarumihiisa caafimaad ay ahaayeen kuwa sharci daro ah oo Dowladu la socon, waxa uuna maalintii shalay kasoo muuqday maxkamad kutaala magaalada Nairobi oo kiiska dacwadiisa qaadeysay.

mugo_1Fadeexada dhaqtarkan Kenyanka ah ayaa banaanka timid kadib markii laga duubay muuqaal qarsoodi ah isaga oo xaruntiisa Caafimaad ku faraxumeenaya haween daaweyn ugu tagay, waxaaan Muuqaalka laga duubay laga sii daayay Telefishinada Dalka Kenya.

Ciidamada booliiska ayaa soo xray dhaqtarkan oo isku dayay in uu baxsado, Bulshada Dalka Kenya ayaa codsaday in dhaqtarkan falalka foosha xun ku dhaqaaqay in cadaalada la horgeeyo lana marsiiyo sharciga.

mugo_3Maxkamada Kiiska dhaqtarkan gacanta ku heysa ayaa go’aan ka gaari doonto in damiin lagu sii daayo iyo in kale maalinta isniinta ah, waxaana kasoo horjeeda in Dhaqtarkan damiin lagu sii daayo Kooxda dacwad oogayaasha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!