Dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo laga wacyi-galiyay Tahriibka

by admin | Thursday, Jan 1, 2015

Beledweyne : HN :– Kulan ballaaran oo lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay iskashadeen hay’adda socdalka aduunka ee IOM iyo wasaarrada dhalinyarrada iyo isboortiga dowladda Soomaaliya, ayaa dhalinyarrada gobolka looga wacyi-galiyay dhibaatada Tahriibka.

Duqa degmada Beledweyne Cumar Adan Deeqow oo ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in aysan wanaagsanayn in qofka naftiisa halis geliyo waxana uu ugu baaqay dhalinyarada in ay ku dadaalaan waxbarashadooda kana fogaadaan tahriibka.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka oo ka hadlay kulankan ayaa waxa ay sheegeen in tahriibka uukulan-tahrib-bwne-1 yahay mid dhibaato gelinaya dhalinyarada noloshooda ayna wanaagsan tahay in dhalinyarada oo ah qeyb muhiim u ah dalka ka qeyb qaataan horumarinta dalkooda maadaama haatan ay dowlad rasmi ah ka jirto dalka Soomaaliya.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah dhalinyaradii ka qeybgashay iyagoo sheegay in tahriibku uu yahay mid mugdi gelinaya mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed. Kulankaan kadib ayaa koob loogu magacdaray kahortagida tahriibka waxaa loo dhigay qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Beledweyne iyadoo koobkaana ay ku guuleysatay mid ka mid ah kooxihii tartanka ka qeybgalay.

Kumanaan ruux oo u badan dhalinyaro ayaa sanad walba waxa ay ku dhinteen badaha caalamka iyagoo doonaya in ay galaan wadamada ku yaal qaarada Yurub. Dadkaasi ayaa waxaa ka mid ah dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasoo sanad walba ku nafwaaya tahriibka.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!