Dhalinyarro cayaaro xiiso badan ku soo bandhigay magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Jan 1, 2015

Muqdisho : HN:– Dhalinyarada uu ururka SYL-II xirfado kala duwan u abuuray ayaa waxay munaasabad dabaal-dag ah ku soo ban-dhigeen garoonka kubadda gacanta ee Ex-Luujino. munaasabadahan ayaa ka koobnaa heeso, ciyaaro dhaqanka iyo hiddaha ah, majaajillo iyo ciyaaro kubadda gacanta ah oo ay wada ciyaareen kooxaha Heegan iyo Horseed.

Dhalinyaradan oo tiradoodu ka badanayd 2000 ayaa waxay ka kala yimaadeen gobollada SYL-II ay ka shaqeyso sida Banadir, Sh/Hoose, Bay iyo Bakool… kuwaasoo kasoo kala jeeday deegaanno kala duwan dhan walbo.

Ujeedada fantasiyahaan ayaa waxay ahayd:

  1. In dhallinyarada SYL-II ay xirfadfaha u abuurtay oo dhan ay isugu yimaadaan hal meel oo qura oo ayna wadagaan muujinta farxaddooda.
    2.Inay soo bandhigaan fantasiyo isugu jira hiddaha iyo dhaqanka Somalia.
    3. In la qabto ciyaaro xiiso badan sida kubadda gacanta oo ay ku loola-maayeen kooxaha Heegan iyo HorseedSYL!!.
    4. Inay dhigaan koobka nabadda.
    5. Inay muujiyaan dhalinyarada SYL-II isku xirnaan iyo walaaltinimo.
    6. In SYL-II ay u noqoto guul wax-qabadkeeda ah iyo  inay muuqato xiriirka ay la leedahay dhallinyarada ay soo tababartay afartii sano ee lasoo dhaafay iyadoo dhallinyaradu wixii ay SYL-II ku barbaarisay soo bandhigaayaan.

Ururka dhallinyarada SYL-II wuxuu u sameeyay dhallinyarada shabakado kala duwan oo isku xirkooda qayb weyn ka qaatay in iyaga dhexdooda ay isku xirnaadaan iyo waliba in ay SYL-II ku xirnaadaan. Dufcad kast waxay leedahay madal oo ay wax walbo oo xog ah ku wadagaan ama fikirka isku  dhafsadaan dhexdooda iyo gobol walba oo ay joogto SYL-II.

Waxaa intaas dhee in SYL-II ay ka rumeysay oraahdeedii ahayd “Ka timid dhallinyaro, ku socoto dhallinyaro” By the Youth, for the Youth” sababtoo ah dhallinyarada iyagaa abaabulay munaasabadaan isku imaanshaha ah oo ay ku wadaagayeen dabaal-dagyada; maxaa yeelay ururka SYL-II ayaa waxay u abuurtay xirfado kala duwan sida inay iyaga wax abaabuli karaan, ayna bandhigyo sameynsan karaan, si ay aragtidooda u soo bandhigaan.

SYL-II farxad ayay u tahay inay gaartay hadafkii ay ka lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed inay gaaraan. Dhallinyarada ka kala timid gobollada Bakool, Bay iyo Shabeellaha Hoose, waxaana marti-geliyay dhallinyarada gobolka Banadir ku nool oo siiyay hoy iyo cunaba; iyadoo sida loo kala dhaqaale roon yahay u kala qeybsaday martidooda uga timid gobolada maadaama maalini-mada ay yimaadeen barnaamijka uusan qabsoomi karin iyo sidoo kale inay isku qaybiyaan abaabulka barnaamijkaan isku imaashaha iyo waqti isla qaadashada.

Natiijada laga filaayo barnaamijkan:

  1. In SYL-II ay marqaati ka noqoto inay gaartay wax la taaban karo
    2.Inay cadaato in SYL-II ay saameysay dhallinyaro aan isku deegaan ahayn, aan isku qabiil ahayn haddana isku xiran oo is-jecel nololshooduna ay is-bedel ku sameeyaan aragtida ay aamisan yihiin.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!