Dhalinyarro Soomaali Mareykan ah oo qiratay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab

by admin | Wednesday, May 13, 2015

New York : HN :–Ilaa saddex dhalinyarro Soomaali Mareykanka ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa qirtay inay taageerayeen Al-Shabaab.

Dhalinyarrdan ayaa lagu kala magacaabaa Mahdi Xaashi oo 25 jir ah, Cali Yaasiin Axmed oo 30 jir ah iyo Maxamed Yuusuf oo 32 jir ah, iyadoo laga soo qabtay xuduudka ay wadagaan dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya sanadkii 2012-kii, kaddibna gacanta loo soo geliyey mas’uuliyiinta Mareykanka ee ku sugan dalka Jabuuti.

Xeer Ilaaliyeyaasha ayaa raggan ku eedeeyay inay xilligaas doonayeen inay u safraan gudaha Soomaaliya, si ay ugu biiraanterrorsuspects Al-Shabaab, isla markaana doonayeen inay fuliyeen weeraro argagixisinimo.

Raggan ayaa la sheegay inay qirteen dambigooda, isla markaana taageereen Al-Shabaab, waxaana qiraalkooda uu sahli doonaa in laga cafiyo eedeymo kale oo loo heysto sida inay heysteen hub sharci darro ah.

Bisha June ee soo socota ayaa la filayaa in Maxkamad ku taal Brooklyn ee magaalada New York, waxaana laga yaabaa in Maxkamad ay ku xukunto xabsi ilaa 15 sano ah

Ururka Al-Shabaab ayaa horay lagu eedeeyay in dhalinyaro Soomaali ah ay ka qorteen dalka Mareykanka, si ay ugu dagaalamaan, waxaana sanadkii 2008-dii Soomaaliya u soo safray labaatameeyo dhalinyari Soomaali Mareykan ah, kuwaasoo ku dhintay dagaalo iyo weeraro ka dhacay Koofurta Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!