Dhaqanka Aadamiga iyo sharci dejinta. WQ: Omer Suleiman Ali

by Yahye | Friday, Apr 5, 2013

Waxaynu horay u soo aragnay aragtida ay gaaladu ka qabaan sharci dejinta oo ku dhisan aragtida Darwin. Iyaga oo ay ula muuqatay in uusan jirin cid adduunka abuurtay darteed ayay qasab ku noqotay in ay iyagu dejistaan sharcigii ay ku dhaqmi lahaayeen, marba haddii uusan garaad jiri karin sharci la’aan.

Haddana waxaan arki doonnaa insha Allaah waxa uu Alle ka sheegay sharciga Aadamigu ka dhaqanka qaadanayo. Haddii aan toos u abbaaro wuxuu Islaamku qabaa in sharciga xaqa ahi yahay midka uu Alle noogu sheegay aayaddan.

Ugu horrayn waa in aynu garnayno waxa uu yahay sharciga lagu garsoorayo. Wuxuu Ilaah cj suuradda Yuusuf aayadeeda 76aad noogu sheegay in markii uu nebi Yuusuf doonayey in uu la hadho walaalkiis uu u dhisay sidii uu ula hadhi kari lahaa. Waynu wada maqalnay in uu weelkii wax lagu beegi jiray uu ku dhex qariyey saamaankii walaalkiis. Ka dibna la baadhay uuna ka soo saaray, sidaasna uu ugu helay fursad uu ku reebto walaalkiis. Marka Alle wuxuu aayaddaas noogu sheegayaa in uu isagu garan siiyey Yuusuf sidaas. Wuxuuna sida aayadda ka muuqata Yuusuf in uu walaalkiis la hadho u cuskaday sida ay aayaddu sheegayso diintii boqorka. Sidaas darteed diinta boqorka waxaa loola jeedaa sharciga boqorka.

Sidaas darteed waxaa aayaddaas uu Alle noogu macneeyey ama qeexay wax ay tahay diintu, wuxuuna noo sheegay in ay diintu tahay sharciga lagu dhaqmayo ama sharciga ummadi ku dhaqantaa uu yahay diinta ummaddaas. Aayaddiina waa tan hoos ku qoran.

 فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِنْ وِعَاءِ أَخِيهِ كَذَلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(يوسف 76).

Haddaba wuxuu Alle dadka abuur ahaan ka dhigay mid garaad leh, garaadkuna sharci la’aan garaad ma aha, sidaas darteed wuxuu Alle dadka diin ama sharci uga dhigay diinta Islaamka. Wuxuuna Alle si cad aayadda 19aad Aala Cimraan noogu caddaynayaa in diinta ama sharciga uu Alle qofkii jebiya ku ciqaabo ruuxii ku dhaqmana ku siiyo abaal gud wanaagsan waa diinta ama sharciga Islaamka. Marka sida aayadda macnaheeda ka muuqata diin ama sharci kale oo dhan ciddii ku dhaqantaa waa kuwa aakhiro tacab qasaaraya.

إِنَّ الدِّينَ عِنْدَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ وَمَا اخْتَلَفَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ إِلَّا مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ وَمَنْ يَكْفُرْ بِآيَاتِ اللَّهِ فَإِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ(آل عمراة 19).

Wuxuu Alle markii uu Aadam iyo Xaawo ka soo saaray jannadii ee uu Aadan Eebihiis dembi dhaafka weydiistay ayuu Alle ku dhahay waxaad ku soo dhaqmi doontaan dhulka in muddoo ah halkaas oo aan idiinku soo dejin doono hoggaan aad ku socotaan kaas oo ruuxii ku dhaqma hoggaankaas ama diintaas ama sharcigaas uusan if iyo aakhiro midna wax ku dhiba kala kulmayn. Waana tan aayadda sidaas Alle noogu sheegay.

قُلْنَا اهْبِطُوا مِنْهَا جَمِيعًا فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ مِنِّي هُدًى فَمَنْ تَبِعَ هُدَايَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ(البقرة 38).

Aayadaha tan la midka ah waxay quraanka kaga jiraan 11 meelood dhammaanna waxay ka hadlayaan qofka qaata diinta ama sharciga Alle in uusan wax dhibaato ah ku arkayn if iyo aakhiraba.

Sidoo kalena aayadda 105aad An-Nisaa wuxuu Alle si cad noogu sheegayaa in uu rasuulka kitaabka xaqa sugaya ugu soo dejiyey in uu dadka ugu kala garsooro markii ay arrimahooda isku af garan waayaan.

إِنَّا أَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللَّهُ وَلَا تَكُنْ لِلْخَائِنِينَ خَصِيمًا(النساء 105).

Marka danta uu Alle kitaabka noogu soo dejiyey ma aha oo keliya in aynu akhirsanno ama xafidno ee waa in lagu dhaqmo. Waxaad maanta u jeedaan kitaabkii oo aan lagu dhaqmayn iyo ubadkii oo lagu dadaalayo in ay korka ka bartaan Quraanka. Sababtu waxa ay tahay dadka oo runtii jecel diintooda hase yeeshee aan garan waxa ay diinta uga baahan yihiin.

Halkaas waxaad ka garanaysaan in markii dawladi samaysato sharci aan kii Alle ahayn ee ay ku dhaqanto ay la mid tahay iyada oo samaysatay diin ay ku dhaqanto, taas oo ah baadil iyo xaraan. Sidaas darteed wax kasta oo wanaag ah oo adiga oo diintaas xushmaynaya aad samayso cadaab adduunyo iyo mid aakhiro mooyee wax wanaag ah oo aad ku gaadahaysaa ma jirto.

Marka waxaan ummadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in inta aanay adduunyo u kala foof tegin ay meel saaraan diinta ama sharciga ay ku dhaqmayaan, waayo diintaas ama sharcigaas ayay wax waliba salka ku hayaan. Matal waxaad samaysay ganacsi aad doonayso in aad noqoto maal qabeen si dadku kuu siiyaan xushmo iyo qadderin. Wax alla wixii aad niyadaas ku keento inta ay gacantaada ku jiraan cadaab ayaa kuugu sugan, dheefta aad u siiso ubadkaaga iyo xaaskaaga yaanay baahanin ee u shaqee iyo jacaylkooda wax cadaab aan ahayn oo aad ka dheegaysaa ma jirto if iyo aakhiraba, sidaas darteed waa qofku marka ugu horraysa uu meel saaro diintiisa ama sharciga uu ku hoggaansamayo.

Ciddii ama dawladii dejisa sharci ama diin ku maamusha ummad waxay isla sintay Alle waana gaalnimo fogaatay cid alla ciddii u noqota daacadna waxay ku suganaanaysaa shirkinimo iyo toobad seegid.

Dad ayaa u maleeya in Alle la’aantiis ay meel tegi karaan oo dhahaya waxaa loo baahan yahay in la helo nabad iyo kala damabayn haddana ku socda tubtii uu Alle sida cad noogu sheegay in kuwii maraa ay if iyo aakhiraba seegayaan. Haddaba dadka sidaas u hadlaya oo aan hubo in ay maanta Soomaalida ku badan yihiin markii la dhaho shareecada ha lagu dhaqmana dhahaya shbaab ayaa dadka nacsiisay ma waxay uga jeedaan gaalnimadana gaalada ayaa na jeclaysiisay oo aannu ku qaadanaynaa.

Waxaan u arkaa dadka sidaas u dhaqma kuwo aan iimaan lahayn ama iimaankooda ka been sheegaya sida munaafaqiina oo kale. Marka qofkaasi ma wuxuu ku faraxsan yahay in uusan Alle wax taaran si uu uga badbaadiy cadaabka mid adduunyo mid aakhiraba.

Waxaan u malaynayaa in aad garan kartaan farqiga ku kala dhex jira gaalnimada sida aan ku soo sheegay maqaalakaygii DHAQANKA AADAMIGA SHARCI DENINTA QAYBTIISA a) iyo midkan oo ah QAYBTIISA b). Gaaladu waxay ku dhistaan aqoontooda la xiriirta cilmiga Bulshada Social Science aragtidii Darwin ee Alle diidka ahayd.

GUNAANAD

Waxaan ku soo gunaanadayaa in laga fogaado sharci ama diin aan midda Alle noo sharciyeeyey ahayn in lagu dhaqmo. In dawladdu ku jirto meeshii Alle oo ay iyadu doonayso in ay dadka xukunto oo ay u samaysato diin ama sharci ay ku xakamayso iyo in ruuxii diintaas ama sharcigaas qaataa uu noqonayo mushrig. Haddii uu isu haysto in uu yahay muslimna wuxuu noqonayaa mid iimaankiisa ka been sheegay sida aayahan hoos ku qorrani tilmaamayaan.

إِذَا جَاءَكَ الْمُنَافِقُونَ قَالُوا نَشْهَدُ إِنَّكَ لَرَسُولُ اللَّهِ وَاللَّهُ يَعْلَمُ إِنَّكَ لَرَسُولُهُ وَاللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَكَاذِبُونَ(1)اتَّخَذُوا أَيْمَانَهُمْ جُنَّةً فَصَدُّوا عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ إِنَّهُمْ سَاءَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ(2)ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ ءَامَنُوا ثُمَّ كَفَرُوا فَطُبِعَ عَلَى قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَفْقَهُونَ(3)

Macnaha aayadan saddexda ah oo kooban waa sidatan:

Wuxuu Alle rasuulka ku yidhi markii ay munaafaqiintu kuu yimaadeen waxay kugu dheheen waxaanu marag ka nahay in aad tahay rasuulkii Alle, Ilaahna waa og yahay in aad tahay rasuulkiisii hase yeeshee wuxuu Alle marag ka yahay in ay munaafaqiintu been sheegayaan1.  Iyaga oo ku gabbanaya iimaan been ah ayay xaqa duudsiyaan waana arrin aad u xun in sidaas la yeelo2. Waxay sidaas u yeelayaan inta ay islaameen ayay haddan dib u gaaloobeen markaas ayuu Alle qalbiyadooda xaqa ka shiray3.

Ciddii doonaysa in ay ila soo xiriirto waa kan e-mailkaygu. Omersul04@gmail.com

Gle-Sare-Omer-Suleiman-AliOMER SULEIMAN ALI                                                                                                                                            02/04/13

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!