Dhaqanka Aadamiga Qeybta 1-aad. WQ: Omer Suleiman Ali

by Yahye | Saturday, Mar 9, 2013

HURUDHACA MAQAALKA:

Cilmiga bulshada ee maanta adduunka ka socda ee jaamacadaha looga soo baxo waxaa laga qaatay gaalada sheegata in ay iyagu hoggaaminayaan cilmi adduunka. Cid kale oo dhanna si kasta oo ay cilmi u lee dahay ka akhrisan maayaan. Waxaana hubaa cilmigooda bulshadu in yahay been aan raad lahayn. Dadka ayay akhriyaan dhacdooyinka ay soo mareen iyo taariikhihii hore markaas ayay qiyaasaan dhaqanka dadka ee dabiiciga ah. Dadkana waxaa la moodaa in ay gaalada run iyo beenba ay ka qaataan. Hase yeeshee Allaha abuuray cidi kama badiso sidaas darteed waxaa inagu wada waajib ah in aynu Alle ka baranno. Haddiia aan tusaale aad taaban kartaan idin siiyo garsooraha runta ahi waa kan bartay sharciga xaqa ah ee Alle ugu talada galay in dadku isku xukumaan inta laga gaadhayo qiyaame. Maalinka abaal marintana la isku abaal marinayo. Hase yeeshee garsoore ka soo baxay jaamacad dalka gaalo oo ka soo bartay sharci ku sheeg ay gaaladaasi samaysteen laguma sheegi karo garsoore waxaase loo aqoonsan karaa nin yaqaan dhaqanka gaaladaas. Markaas ayuu talyaanigii iyo Ingriiskii dalka gumaysan jiray ay shiikhii ka soo baxay jaamacadda shareecada qiimayn waayeen kii ka soo baxay jaamacdoodana ka dhigeen ninka dalka ugu qiimaha weyn. Waxaase nasiib darro ah in ilaa maanta aanay shareecadii Alle wax qiima ah ku dhex lahayn ummadda Islaamka ah.

BILAWGII AADAMIGA.

Waxaan ka bilaabayaa qofkii ugu horreeyey ee Alle abuuray oo ahaa nebi Aadam. Markii Aadam la abuuray waxaa dhacday in malaa’igta la amray in ay Aadam u sujuudaan laakiin Aadam qof ahaa wax la saaray ma jirin ilaa Xaawo la abuuray. Markii uu Ibliis diiday in uu Aadam u sujuudo waxay taasi ahayd dembigii ugu horreeyey ee Alle laga galay kaas oo ahaa amardiido. Waxaa cilmigu sheegay in caqliga oo keliya ay ka suurto gasho in uu dembi galo ama khayr sameeyo. Dembiga iyo khayrkabana Alle wuxuu ugu kala talo galay laba abaal gud oo kala duwan sida cadaab iyo janno. Wixii wanaagsan ee qof sameeyo waa khayr wixii xumina waa shar. Haddaba dadku sidee ku bartay wanaagga xumaantase waxaa na baray shaydaanka ee Alle shaqo kuma laha.

Aadamiga iyo jinka ayuu Alle ka dhigay labada caqliga leh wax kale oo Alle caqli u yeelay ma jiro. Malaa’igtu haddii ay caqli lee yihiin iyo in aanay lahayn ma garan karno waayo waxay ka mid yihiin waxyaabaha laalan ee qaybka ah kumana qiyaasi karno aduunkan aynu Alle uga nahay khaliifka. Sidaas darteed wax kasta oo qalbigeenna ku soo dhaca way ka duwan yihiin in aynu isku shidaynona ma aha, laakiin waxaan ka hadlayaa waa adduunkeenan.

Sida Quraanka ku dhigan Jinku wuxuu jiray nebi Aadam ka hor waxaana laga abuuray dab aan qiiq lahayn, hase yeeshee inta uu ka horreeyey Alle mooyee cid kale oo taqaan ma jirto. وَالْجَانَّ خَلَقْنَاهُ مِنْ قَبْلُ مِنْ نَارِ السَّمُومِ(الحجر 27)..

Wuxuuna ka mid ahaa malaa’igta waayo waxaa aayadda hoos ku dhigan laga dheehanayaa in uu jinku ka mid ahaa malaa’igta la amray in ay Aadam u sujuudaan hase yeeshee diiday. Aayaddu waxay lee dahay Ibliis mooyee malaa’igtii oo dhammi way wada sujuudeen.

 وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ أَفَتَتَّخِذُونَهُ وَذُرِّيَّتَهُ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِي وَهُمْ لَكُمْ عَدُوٌّ بِئْسَ لِلظَّالِمِينَ بَدَلًا(الكهف 50).

Markii uu Ibliis diiday in uu Aadam u sujuudo ayuu ka mid noqday gaalada Allena naxariistiisa ka xaaraantimeeyey. Markaas ayuu Aadam uga daba yimid jannada oo geedkii laga xarrimay ku shukaamiyey in uu cuno isaga oo ku dhahay haddii aad geedkaas cuntaan janada ayaa ku waaraysaan ama waxaad noqonaysaan labo malag. Wuxuuna ugu maray dhaar magaca Alle in uu run u sheegayo iyagana u danaynayo, markaas ayay rumaysteen geedkiina cuneen.

فَوَسْوَسَ لَهُمَا الشَّيْطَانُ لِيُبْدِيَ لَهُمَا مَا وُورِيَ عَنْهُمَا مِنْ سَوْآتِهِمَا وَقَالَ مَا نَهَاكُمَا رَبُّكُمَا عَنْ هَذِهِ الشَّجَرَةِ إِلَّا أَنْ تَكُونَا مَلَكَيْنِ أَوْ تَكُونَا مِنَ الْخَالِدِينَ(الأعراف 20). وَقَاسَمَهُمَا إِنِّي لَكُمَا لَمِنَ النَّاصِحِينَ(الأعراف 21).

Markaas ayuu Aadam dembi dhaaf weydiistay Alle, markaas ayuu Alle dhahay dhulka ayaad muddo ku soo noolaan doontaan markaas ayaan idin soo dejinayaa hoggaan ruuxii qaataa uusan weligiis dambe lumayn kii diidaana uu ku waaraya cadaabta, jannadiina waa laga soo saaray.

قُلْنَا اهْبِطُوا مِنْهَا جَمِيعًا فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ مِنِّي هُدًى فَمَنْ تَبِعَ هُدَايَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ(البقرة 38). قَالَ اهْبِطَا مِنْهَا جَمِيعًا بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ فَإِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ مِنِّي هُدًى فَمَنِ اتَّبَعَ هُدَايَ فَلَا يَضِلُّ وَلَا يَشْقَى(طه 123).

Culumada falsafadu waxay rumaysan yihiin in caqliga iyo sharcigu kala hadhi karin. Hoggaanka uu Alle dadka u soo dejinayaan waa kitaabka iyo diinta Islaamka oo naloogu soo dejiyey in aynu ku dhaqanno kuna garsooranano.

Marka diintu maxay tahay? Waxaad arkaysaan dad fara badan oo weliba gaalada u badan oo isu qaba in ay qumman yihiin diintana wax fikir ah ka haysan oo dood gelinaya diinta iyaga oo ay doodayaan dad aan diintu waxa ay tahayba aqoonin, kolay dad muslim ah yihiin.

Marka diintu WAA SHARCIGA DHAQANKA U AH UMMAD EE AY KU WADA DHAQMAAN.

Haddii aan soo qaato waxa loo yaqaan xeer Soomaali waa diin Soomaalidu samaysatay macnaheedu. Aayaddan hoos ku qoran ayaa Alle noogu sheegay waxa ay tahay diintu.

فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِنْ وِعَاءِ أَخِيهِ كَذَلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(يوسف 76).

Macnaha aayaddu waa sidatan:

Ka hor saamaankii walaalkiis wuxuu baadhay saamaankii kuwii kale, markaas ayuu ugu dambayn saamaankii walaalkiis ka soo dhex saaray weelkii maqnaa sidaas Alle ayaa ugu talo galay haddii kale Yuusuf kulama hadhi kareen walaalkiis sharciga boqorka ama diinta boqorka, ciddii aan doonno annaga yaa dallacsiinna mid kasta oo aqoon is taawiyana wiil ka aqoon badan ayaa jira.

Macnaha aayaddu waa haddii uusan walaalkiis dembi gelin lama hadhi kareen, Alle ayaana Yuusuf garansiiyey khidada uu walaalkiis ku reeban karo.

Marka diintu waa sharciga ay ummaddu ku dhaqanto kaas ayaana ummadda u noqda dhaqan muddo dheer ka dib. Marka dadka gaalada ahi iyaga ayaa dejista diintooda hase yeeshee dadka muslmiinta ahi waa in ay qaataan diinta xaqa ah ee Alle u soo dejiyey. Waana diinta Islaamka sida aayaddan hoos ku qoran ay muujinayso.

إِنَّ الدِّينَ عِنْدَ اللَّهِ الْإِسْلَامُ وَمَا اخْتَلَفَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ إِلَّا مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ وَمَنْ يَكْفُرْ بِآيَاتِ اللَّهِ فَإِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ(آل عمران 19).

Aayadda wuxuu Alle noogu sheegayaa in diinta Islaamka ee uu Alle dadka ugu talo galay in ay dhaqan u noqoto ay tahay diinta Islaamka. Middan kalena wuxuu noogu sheegayaa in uusan ogolaanayn diintaas islaamka mooyee diin kale.

Alle isaga ayaa wax kasta dhaqanka uu lee yahay u sameeyey dadkana isaga ayaa diinta la rabo in ay u noqoto dhaqan u dejiyey cid kale oo xaq u leh ama u dejin kartaaba ma jirto. Diinta ama shareecada Islaamkana waxaa laga bartaa dhaqanka ugu sarreeya.

Sidaas darteed dawladaha dadka sharci ciqaabeedka aan kitaabka Alle ahayn u dejisanaya waxay is dhigeen meeshii Alle taasina waa Ilaah sheegasho ciddii daacad u noqotaana waa mushrikiin.

SOOMAALIYEEY ARRINKAAS HA LAGA FIIRSADO.

GUNAANAD.

Diintu waa sharciga ummadi ku dhaqanto, gaalada dhahda diin looma baahna waxay la mid tahay iyaga oo leh sharci looma baahna ee waa in adduunku ahaado meel aan sharci ka jirin. Haddii lagu dhaho sharci lama doono ee waa in aan adduunka sharci lagu dhaqmaa jirin waxay kala weynaanaysaa wax kasta waxayna lee yihiin suurto gal ma aha. Diintana oo ah sharciga lagu dhaqmayo waxay lee yihiin waa in la tirtiro.

Sharciga Alle ugu talada galay addoomadiisu in uu dhaqan u noqdo waa diinta ama sharciga Islaamka, cid kale oo dadka iyo waxyaabaha kale ee jira sharci aan kii Alle u sameeyey ahayn u samayn kartaa ma jirto.

Gle-Sare-Omer-Suleiman-AliOMER SULEIMAN ALI                                                                                                                                           6/03/13

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!