Dhaqdhaqaaq militari oo ka jira deegaanno hoostaga gobolka Gedo

by admin | Wednesday, Jul 8, 2015

Gedo : HN :–Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo, ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaa dhaqdhaqaaqyo militari ka waddaan ciidammada dowladda Soomaaliya oo gacan militari ka helaya kuwa midowgga Africa AMISOM gaar ahaan ciidammada dowladda Itoobiya

Dhaqdhaqaaqa militari ayaa imanaya xili  ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya ka soo tallaabeen xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya,Itoobiyaannn kuwasoo wata gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan kaarayaal.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan  in ciidammadan ay ku biireen Ciidammo kale oo horay Gobalkaas ugu sugnaa, iyadoo Wararku ay Sheegayaan in Ciidamadan is-garabasanaya ay ku jiheysan yihiin dhanka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka Dowladda Somalia ee Gobalka Gedo ayaa u sheegay Warbaahinta in Ciidamadan ay yihiin kuwo u diyaarsan inay dhawaan ku dhaqaaqaan Degmada Baardheere iyo Deegaannada kale ee weli ku jira gacanta Al-shabaab.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqyo kuwan la mid ah ayaa laga dareemayaa deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo ay wadaan ciidamada maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka tirsan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa Goballada Jubbada Hoose iyo Gedo waxay kaga sugan yihiin dhowr degmo, waxaana dhawaan hoggaamiyaha Jubba uu sheegay in ay Qorsheenayaan duulaanno ka dhan ah Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!