Dharkanley oo ku guuleysatay koobka degmooyinka Banaadir

by Yahye | Saturday, Dec 31, 2011

Muqdisho: HN: Ciyaar adag oo lagu soo gabagabeynayay tartankii kubada cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacday garoonka Istaadiyo koonis, waxaana ciyaarta kama dambeysta ah isku soo haray degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkeenley. Ciyaartan oo si toos ah looga tabinayay inta badan warbaahinta magaalada Muqdisho, ayaa waxa laga waayay garoonkaas meel la fariisto, waxana lagu sheegay in ka qeyb galkaas uu ahaa kii ugu badnaa ee garoomada Muqdisho lagu arko mudo tobanaan sanno ku dhow.

Sawaxanka iyo buuqa taageerayaasha labada degmo ayaa dhagaha jabiyay dadweynihii daawanayay ciyaarta iyo kuwii kala socday raadiyayaasha. Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa usuurto gashay kooxda degmada Dharkeenlay inay halkaas kala hoyato guul ay ku heshay hal gool oo ay dhalisay, waxayna halkaas ku gudoomeen kooxkii loo dhigay degmooyinka gobolka Banaadir.

Markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa waxa halkaas ka dhacay isku dhac dhex maray labada taageerayaal ee degmooyinkaas, taasoo sababtay in uu dhaawac gaaray 3 qof oo ka mid ah taageerayaashii labada degmo, inkastoo markii dambe uu iskiis u dagay isku dhacaas.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!