Dheeho ee ku dhaqan, W/Q: C/qaadir (Qalbi)

by admin | Friday, Jan 31, 2014

qormoQormadan ma aha mid qayaali ah ama sheekooyin mala’awaal ah sida sheekooyinka jaceylka iyo wixii lamid ah, laakiin waa qormo aad iyo aad dhaxal-gal u ah oo ku saleysan cilmi iyo aqoon, sidaa darteed qofkii u aqriyo si joogta ah wuu u aayi doonaa.

Haddaba sida magaca qormadan ka muuqata, waa magac micno weyn xambaarsan(DHEEHO EE KU DHAQAN)micnaha magaca qormadan haddii aan sii fududeeyo ama sii fasiro wuxuu noqonayaa (aqriso oo ku camal fal wixii aad ka kororsatay). Sidaa darteed maqaalkan ama qormadan waxaa uu ku saleeysanyahay cilmi iyo aqoon sida aan horay u iri, waana qormo todobaadle ah oo aad ka heli karto maalin walba oo jimca ah website-ka hiiraannet.com.

Haddaba mowduucyada aan kaga hadlidoono qormadan tixanaha ah waxa ay noqonayaan arimaha bulshada oo kali ah haddii eebe idmo, sida la dhaqanka wanaagsan ee bulshada, barbaarinta iyo daryeelka ubadka, wax-barashada, dhaqanka lamaanaha isqabo iyo qoyska, caafimaadka I.W.M.

CUTUBKA 1-aad LA-DHAQANKA WANAAGSAN EE BULSHADA QEYBTA 1-aad Waxaa jira in qofka aadamiga ah ay qasab ku tahay in uu la noolaado dad kale, waxaana ku waajib ah in uu xiriir wanaagsan la yeesho dadka uu la noolyahay. Marka waxaan u arkay qormadan in ay lagama maarmaan u tahay xiriirka wada noolaashaha xubnaha bulshada.

Haddaba waxaa haboon haddii aanu ka hadleeyno bulsho, in aan is weydiino su,aasha ah waa maxay bulsho? Haddii aan isku dayno in aan jawaab u helno su,aashan, waxaan dhihi karnaa bulsho waa koox dad ah oo degan meel ama ku wada nool sida magaalo, tuulo ama meel baadiya ah, isla markaana leh dhaqan ay wadaagaan. La soco Jimcaha danbe haddii Eebo idmo.

W/Q: C/qaadir Dhaqane Cumar (Qalbi) Wixii talo iyo tusaale ah fadlan noogu soo dir Tell: 252615507025 Email:cqalbi2@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!