Dhimashada Jaamacada Gaarisa oo gaartay 147 ruux

by admin | Friday, Apr 3, 2015

Gaarisa : HN :–Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in weerarkii lagu qaaday Jaamacada magaaladaas, ay ku dhinteen tiro kor u sii dhaafeysa 147 ruux.

Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay weerarka lagu qaaday jaamacadda in uu ka dambeeyo sarkaal ka tirsan xarakadda al-Shabaab oo ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Kuuno hase ahaatee al-Shabaab looga dhex yaqaan (Dulyadeyn).

Wasiirka arrimaha gudaha dawladda Kenya,Joseph Nkaissery ayaa sheegay in Maxamed Kuno (Dulyadeyn) uu ahaa ruuxa abaabulay weerarka ay al-Shabaab ku qaadeen jaamacadda Gaarisa.

Wasiirku waxaa uu sheegay in madaxa ninkaan uu Dulyadeyn ku sheegay ay dul dhigayaan lacag dhan 20, million oo lacagta Kenya ahGarissa-University-300x200 una dhiganta 53 ,000 oo dollar Maraykanka ah.

Sarkaalkaan ay dawladda Kenya lacagta intaas leg ku doonayso ee Maxamed Kuno la yiraahdo waxaa la aminsanyahay inuu al-Shabaab ku biiray sannadkii 2007 waxaana uu xilligaas uu ahaa maamulaha dugsi Qur’aan oo gudaha Kenya ku yaalla.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in xaaladda magaalada Gaarisa ay willi kacsantahay waxaana dadka dariska la ah jaamacada ay sheegeen inay arkayaan meydadka dad badan oo jaamacada dhex daadsan.

Wasaaradda arrimaha gudaha waxay sheegtay in mid ka mid ah kooxda weerarka qaaday la qabtay asagoo isku dayaya inuu baxsado halka warar kalena ay sheegayaan in la dilay.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Magaalada Gaarisa waxay bartilmaameed u ahayd weerarro is xigxiga oo ay qaadayeen ururka Al-Shabab tan iyo intii ay farageliyeen ciidamada Kneya Soomaaliya sannadkii 2011-ka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!