Dhimashada xujeyda oo gaartay 717 ruux

by admin | Thursday, Sep 24, 2015

Makkah : HN :– Waxaa sii kordhaya tirada dhamashada xujeyda magaalada Makkaha ee dalka Saudi Arabia waxaa ay wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in dhamashadu gaartay ilaa 717 ruux, halka dhaawacuna marayo 863 ruux.

Waxaa laga cabsi qabaa in Tirada dadka ku dhintay isbuurashada ka dhacday agagaarka masaajidka Xaramka, waxaana socda38420feb1e3b433085e57f6e37fd6393_18 gurmadyo loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay shilkan.

Dadka ku dhaawacmay isbuurashadan ayaa loo kala qaaday isbitaalo kuyaal Mina. Waxana ay ku soo beegantay shilkan iyadoo xujayda ay ku gudajireen shaydaan tuurka. Hase yeeshe goobta uu shilkan ka dhacay ayaa ahayd waddo u dhexeysa teendhooyin ay degenaayeen xujayda.

“Wadada uu shilkan ka dhacay ayaa ah wadada 204aad. Balse isbuurashada kama dhicin goobta shaydaan tuurka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xukuumada Sacudi Carabiya.

Madaxa guddiga dhexe ee Xajka Amiir Khaled al-Faisal, ayaa ku eedeeyay is buurashada qaar kamid ah xujay u dhashay wadamada Afrika sida uu shaaciyay taleefishinka Alcarabiya.

Wixii hadba arrintaa ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!