Dhismaha Cisbitaalka Digfeer oo ku kacay aduun dhan 135 milyan dollar

by admin | Monday, Jan 26, 2015

Muqdisho; HN;-Cisbitaalka Digfeer  waxaa dhisay wakaaladda horumarinta ee Turkiga ee TIKA, waxaa ku kacaysa aduun dhan 135.7 malyuun oo doolar, lacagtaasi oo $85.6 malyuun oo doolar ka mid ah ay bixineyso dowladda Turkiga.

Cisbitaalka Digfeer ee tabobarka iyo cilmi-baarista ee uu xarigga ka jaray madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan ayaa waxa ay labada dowladood kala saxiixdeen heshiis 5 sano ah oo si wadajir ah u wada maamulayaan.

Marka ay dhamaato mudada shanta sano ah waxaa toos loogu wareejinaya dowladda Soomaaliya, inta ka horeysa waxaa si wadajir ah u wada maamulaya labada dowladood, iyada oo wasaaradda caafimaadka ee Turkiga ay bixineyso dhamaan qarashaadkiisaIsbitaalka_Digfeer_Muqdisho_Somalia

Waxaa taala 200 sariirood, waxaa ka shaqaynaysa 91 shaqaale Soomaali ah, iyo 52 Turki ah oo isugu jira dhaqaatiir, kalkaaliseyaal, iyo maamuleyaal. Waxaa sidoo kale isbitaalka illaalinaya illaa 40 Soomaali ah iyo 5 Turki ah.

Dhulka uu ku fadhiyo waa 13,500 oo mitir isku wareeg ah, 12 sariirood oo la jiifiyo dadka xaaladoodu darantahay, 14 sariirood oo carruurta markaasi dhalatay ah, 20 qalabka lagu xiro dadka xaaladooda darantahay, 4 qol oo qaliin ah, qol dumarka lagu dhaliyo, sheeybaar.

Isbitaalkani waxaa lagu tiriyaa in uu yahay kan ugu weyn Afrika marka laga hadlayo qalabka yaala iyo heerka adeegga caafimaadka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!