Dhismaha isbitaalka Buula-burte oo dhaqaalle loo uruurinayo

by admin | Monday, May 11, 2015

Toronto : HN :–Kulan dhaqaale loogu ururinayo isbitaalka Magaalada Buula-buurte ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada. Xafladdaan ayaa waxaa soo abaabulay Rufaaci Mustaf Xaaji Shirwac, isagaoo kaalmo ka helay hay’adda Human Concern International oo ah hay’ad gargaar ka geysata meelaha ay dhibaatooyin ka dhacaan.

Munaasabada dhaqaalle ururinta ayaa waxaa hadallo ka jeediyay Dr. Max’ed Saciid Taabid, Prof. Togane iyo Paul Marino jecelna inbul loogu yeero [Geedi Raage Roble.]

Paul Marino waa nin u dhashay dalka Mareykanka balse si wanaagsan ugu hadla Afka Soomaaliga wuxuuna muddo kasoo shaqeeyey Isbitaalka magaalada Buula-burte.

Sidoo kale, xafladda waxaa kasoo qayb-galay laba musharax oo kala ah Axmed Xuseen oo u sharraxan xisbiga Liberalka ee xaafadda York South-Weston iyo Faysal Xasan oo isna u sharaxan xisbiga NDP-ga ee xaafaldda Etobicoke North.

Munaasabada ayaa lagu ururiyay dhaqaale gaaraya illaa iyo 10,000 oo doollar, waxaa la sheegay in olalaha dhismaha isbitaalka Buula-burte lagu faafin doono dalal kale.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!