Qormadii 2aad jawaabna u ah Barnaamijka (Xogwaran) iyo Muqdisho yaa iska leh‏. WQ: Galeyr

by admin | Thursday, Feb 2, 2012

DHULKAANI DADKA WAW DHAXAYS DHIISHAASE NINBA MEEL DHIGTAA!  Qeybtii Labaad

Federaalku ma runbaa mise waa riyo?

Qoraalkan oo ah qormadii labaad ee ka hadlaysaa arimaha ku saabsan is qabsashada iyo sheegashada ama inkirmaada deegaamada soomaaliyeed sida loo kala leeyahay  oo aan hore ugu soo qaadatay barnaamijka  ay furtay idaacada ama telefishinka Universal tv oo ku saabsanaa muqdisho  yaa leh ayaa waxaan doonayaa inaan  halkiisii ka sii ambaqaado aniga oo  qormadan ku darsanayaa afkaarta aqristayaasha iyo daawadayaasha iyo macnaha federaalka .

Sideedaba   dadka soomaaliyeed marka cadaalada iyo dhexdhexaadnimo loola hadlo waxay markiiba ku xanbaarinayaan  eed iyo dacwad bal tusaale  hadaan u soo qaadano  haddii shaqsi soomaaliyeed oo martiya gurigaaga aad ku soorto  ka dib markuu laba maalmood kula joogo uu bilaabo inuu isla markiiba is lahaysiiyo gurigaaga waxuu ku sifoobayaan (Amaano kugu raagta yadaada ama waxaad leedahay ayaa la moodaa )waxaa  wax aad iyo aad loola yaabo  deegaan umadeed  iyo qowmiyado dhan oo soomaaliyeed in nin aqoonyahan ama saxafi ama shaqsi soomaaliyeed isku dayo  inuu duudsiyo umad dhan   deegaankeeda , dhulkeeda  , jiritaankeeda iyo aasaaskeeda nololeed isagoo ku dabaqaya ra,yigiisa weliba siday la tahay jecelna waxuu jecelyahay in looga dhigo dastuur haddii dhul jacayl lagu qabsado ama la wada yeelanayo  Magaalada barakaysan ee( Maka almukarama )  la wada yeelan lahaa  waxaase taladeeda haya reer maka oo keliya umada muslinka ah oo dhamina waa ka marti  muqdishona waa la mid  waa magaalo soomaaliyeed waxayse gaar u tahay deegaankeeda iyo talada gobol ahaaneed dadka degan hadaan ku celceliyo dadka degan waa dad la yaqaan ciddii ay ka gedman tahayna waa la barayaa ninkii yaqaan ee inkirsana waa hawl u taal.maaha maanta in lagu abaal ka dhaco iyadoo qaladaad hore maamuladii dalka hore u soo maray sameeyaan haddana in raad arooryo dib loo raacaa  waa mid aan suurtagal ahayn  dadka soomaali oo dhan gogosha u fidiyey ee deegaankooda dejiyay in la yidhaahdo ma jirto cid leh iyo gooni looma laha toona waa abaalka dhac

Waxuu yidhi Abwaankii weynaa ee soomaaliyeed  Salaan carabeey A.U.N isagoo abaal laawaha  ilowshaha dhaw ka hadlaya waxuu yidhi.

Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine

Xaasha ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

Xintifaalo doqoneed nin ragi waa xaasiliyaaye

Xubadaan idiin dhaqanayaad igu xasdayseene

Alayle xurmo hadii aan lahaa waygu xilateene

Ragba kii aad xaradhaamisaa kuu xasaas colahe

Haddaba arinta isweydiinta u baahan ayaa ah ,sababta keentay in  dad dhan oo aqoonyahano iyo saxaafad isugu darsani keenaan inay yidhaahdaan(Meel Heblaayo yaa leh ama Muqdisho yaa leh) ama lama kala xigo oo dastuurku ma qorayo qolo gooniya  leh.

Hargaysa  iyo boosaaso  , kismaayo iyo  sanaag, baydhabo  , gedo,  iyo beledweyne

Ma dastuurkaa qorayaa beelaha dega iyo dadka deegaanka , hadduu kuwaas dastuurku qoro  muqdishona wuu qorayaa dastuurku  hadaanu kuwaas qorina  muqdishona qori maayo dastuurku ileen magaalo deegaankeeda cida leh lagu xusay  dastuurka ma jirto ,

Waxay ummadu soomaaliyeed ka marqaati tahay inaan muqdisho dadka loo sheegan oo lagu soo dhaweeyo inay caasimad noqoto waxaa ogolaaday dadka deegaankeeda leh , in dhulkooda xaq iyo xaqdaro lagu degona iyagaa ogolaaday  gobonimada iyo marti soorka iyo soomaali jacaylku  ayaa keenay in  xaqoodii damaaci la geliyo, kuwo hore ugu diriray si toosa iyo kuwa sida dadban ugu dagaalamayaaba  ha ogaadaan muqdisho waa deegaan soomaaliyeed  dadbayse gaar u tahay. Mar aan arkay rag waaweyn oo aqoonyahano ah oo ku doodaya wax  aan caqliga bani aadamka u cuntaymayn ayaan waxaan ka tiriyey Tixdan oo la yidhaahdo  Deegaan  anigoo walaalahayga soomaaliyeed ugu caqli celinayaa  halkan kuma dhamaystirayo  balse   qayb ka mida ayaan soo qaadanayaa inshalaah.

Dadku deris wadaag buu ahaa mana is diidayne

Ninba daaqsin baa lagu ogaa   dadab u xeernayde

Dulmi iyo xasarad maysan jirin doco docoyn jaane

In lays duudsiyaa maaha daw  daacad loo mara,e

Degmadeenan xamar  waa dal iyo degel rag leeyahaye

Dalka iyo hadii laga xukumo , daafaha kaleba

Degmadeedii weeyaan oo ma jiro ruux durkinayaaye

Dadkii hore u  yaalaa ku nool daakhiliyo duude

Dowladnimo horteed baa la yiil lamana diidayne

Dacwadaad  furteen gacalkayoow  diidyey aadmiguye

Dastuurkuna diin ma, aha iyo hadal ma doorshaane

Diiwaan heshiis lagu dhigiyo, waa hab dowliya .

Tusaale ahaan  ninka muqdisho jooga , 18ka Gobolee soomaaliya meeshuu doono haka yimaadee dhulka looma  sheegto .Sida aan ognahay oo aan markhaati ka wada  nahay inay jiraan Gobolo soomaaliyeed oo dadka soomaaliyeed loogu yeedho  qaxoonti, dabcan weligay maan arag nin dalkiisa jooga oo loogu yeedhayo ama lagu masaynayo qaxoonti wadan  kale ka yimid oo dhibaato keentay  soomaalidu waqtiyadii hore way isu guuri jirtay markay dhibaatooyin iyo aafooyin dhacaan sida : Colaadaha, Abaaraha, Fatahaadaha, iwm  balse maanta  nin soomaaliyeed oo calankiisii hoos jooga umadiisiina la jooga in loogu yeedho qaxoonti waa wax aan hore loo arag loona maqal  marka armaynu Federaalka iyo Maamul goboleedka qalad ka fahanay.xitaa  dadka  qaar  baabuurta safarka ah iyo qofka muraad maalin ka galo deegaankooda  dhab iyo kaftanba waxay  u sheegaan inuusan dalkiisa iyo dhulkiisa joogin  qormadayda uguma talogelin inaan kaga hadlo deegaamada laysu sheegto waa la wada yaqaan balse waxaan u soo qaatay tusaale.

Haddii Gurigaaga aad Marti ku soorto oo markay muddo joogto  martidii bilowday inay kula maamusho  hawsha reerkaaga iyo qoyskaaga , hadaad ka hadashona tidhaahdo guriga lama kala laha waa mid subxaanalah maaha wax wanaagsan waxuu yidhi  Abwaan   Xasan Abuukar Abaaji oo Arintaas ka hadlayay sidan:- shiribkan  oo u marqaati furaya shirib hore loo yidhi oo ah kan ciwaanka aan ka dhigtay .

Afar walxaato dha ku taal

soomaalidoo dhan waa dhibkeed

 

(1).Inta dhigeyga meel dhigtaan

 dheeraad rabaahu waa dhibkeed

 

(2.)Dhibya xumoon dhamaad leheyn

 abaal ladhaamo waa dhibkeed

 

( 3).Dhaqanya marti dhowrideed

in lagu dheelo waa dhibkeed

 

(4.)Dhulkaaga igusoo dhaweey

dhaxalna sheego waa dhibkeed

 

Ninba mahoow kudhaqanyoo

rābi kudhowray dhaafimaa

 

Dhulkaanu dadka wow dhextaal

dhiishaasa ninba meel dhigtaa

 

Dhaxalna duulkii loo dhaloo

rabi udhigay waa udhaaf

 

Martiyad soo dhaweysatoo

dhabtaadi rabta waa dhibleey

 

Waxaa ka dhigan dhiiladaas

dhulka bannaadir waa dhexyaal

 

dhibaa jiree isoo dhaweey

waa dhacday oo la dhibsamaa

 

Bal dhaha aan dhegeysanee

goboladoo dhan waa dhexyaal.                    

Sida xigmadan ku cad  shiribku ka hadlayo   waxaa  hadaba mudada laga soo bilaabo waqtigii lagu dhawaaqay dowlada  Federaalka ah ee soomaaliya  2004  ilaa  manta jira ismaandhaaf fara badan oo dhinaca dowlada dhexe ee ku meelgaarka ah iyo maamulgoboleedyada ama dhismaha maamul goboleedyo ku midaysan dowlad dhexe.

Dadka  dooda inta badan waxay is waafajiyaan  wadanka uu markaas joogo ama yaqaan sida raga qaarkii dooda  (Caasimada yaa leh ka qayb galay ugu saleeyeen, Uk, Ethopia ,Kenya iwm). Hadaba  waxaa meesha  yaal wadamada la sheegay midkoodna isku dastuur iyo isku dhaqan ma nihin.

Waxaa kale oo meesha yaal maanta inaga oo shalay aan lahayn  soohdimo iyo gobolaysi maxaa keenay inaynu halkaa gaarno dadkuna kala qaybsamaan.qaabkee baase maanta umada  soomaaliyeed wax u qaybsadaan ma qaab siyaasad xisbiyo ku dhisan mise qaab siyaasad gobolo iyo deegaan ku dhisan mise qaab siyaasad  ku salaysan qabyaalad iyo qabiil.

Si xal loo helo ayaa waxaa la  yidhi nin waliba gurigiisa ha nabadeeyo ha dejiyo ,maamul haw sameeyo  dowlad dhexe oo isku  wadana hala helo. Shaqsiyan aniga iyo inta ila mida toona ma jecla gobolaysiga oo  ah  hanaan hantigoosad ah kala fogaanshiiyona dhaliyo  waxii rag ku heshiiyaase ma xumee haddii lagu heshiiyay miyaysan haboonayn  in nin waliba  barradii awoowgii iyo asalkiisa  ahaa inuu ku qanco oo aanu u hanqal taagin  dhul islaameed.

Wadama aduunka qolo weliba waxay ku heshiisay ku noolaadaan sida  Dastuur iyo Nidaam iyagu leeyihiin oo aysan cid kaga dayan  waxaa nasiib daro nin weyn oo wax garada inuu yidhaahdo maanta sida Uk ama USA  waa inay soomaaliya noqotaa .

Marka dadka wax duudsiyayaan wax ka qiil badan tusaale ahaan ninka sidaa leh haddii la weydiiyo tuulada aad u dhalatay ama deegaanka aad ku abtirsato wadaag dhinaca dhaqaale iyo deegaan ahaan iyo talo ahaan siyaasad ahaan diyaar maw tahay  in lagula wadaago  af labadii ayuu yeedhayaa isaga oo gubaabo iyo dagaal   abaabulayaa reer hebel ayaa shaati dowladeed  wata reer hebel ayaa  shaati diimeed wata reer hebel ayaa shaati noocaasa wata oo deegaankayaga xoog nagu maamulaya iyo waxyaabo kale  haddii deegaan dad kale wax laga waydiiyona waxuu ku andacoonayaa  lama kala laha.(Waa yaabka yaabkiis)

Haddii sababta muqdisho aan loo kala lahayn ay tahay Magaalo madaxnimada  ama caasimad ahaanshaha , halagu daro dastuurka in shantii sannoba Caasimada  laga dhigo gobol cusub baarlamaanka la horgeeyo ajandahaas qaabkii ay u gartaana gobolada ugu qaybiyaan min shan sano ama sadex sano inay madaxtooyada iyo caasimadu  wareegaan  baarlamaanka iyo bulshada soomaaliyeed u codeeyaan  gobolka caasimada dalbaadana soo bandhigo adeeg caasimadeed.

Gobol kasta oo caasimad noqdana la wada yeesho oo doorashada laga soo wada galo inta uu caasimada yahay dadka oo dhana u dhaxeeyo sida hadda lagu doodayo  bal aan aragno in la aqbalo iyo in kale –

Haddii kale in dib loogu noqdo maamulkii shalay ee ninka kismaayo ka yimid hargaysa maayerka ka noqonayey ee keligii taliska ee  xisaabiye ilaa wasiir madaxweynuhu magacaabay  dadka deegaankuna uusan lahayn qadarinta iyo awood shacbiyadeed iyo doorasho toona.

Haddii la doonayo nin weliba inuu deegaankiisa horumariyo  beelaha degan  banaadir iyo nawaaxigeeda  waa in dowlada iyo dadka deegaanku ku heshiiyaan hal maamul oo midaysan oo  aysan waxba ku lahayn  dadka kale ee  gobolada kale ka yimid.

Qaabka loo wada yeelan kara caasimada ayaa ah, in caasimada shaqsi walbaa degi karo , wax ku baran karo, ku ganacsan karo, dhisme ku yeelan karo, shaqooyinka dowlada dhexe sida wasaaradaha, bankiyada iyo waxyaabaha dowlada federaalka u gaarka ah ka shaqayn karo, hawlaha kale inuu deegaanku qaas u leeyahay sida , maamulka gobolka , golaha deegaanka,  madaxda degmooyinka, dekada iyo airporka , dowlada hoose oo dhan, iyo qaybaha kala duwan ee ay gaarka u leeyihiin maamulgoboleedyadu.

Dekada kismaayo waxaa madax ka noqon kara keliya dadka deegaanka, dekada boosaasona waxaa ka noqon kara  dadka deegaanka, maxaa u diiday dekada muqdisho dadka  degan inay maamulaan maxaa u diiday dadka degan inay  gudoomiye degmo gobol iyo taliye ciidanka booliiska iyo amaanka ka noqdaan.

Haddii aanay sidaasi dhacayn waa in caasimada laga wareejiyaa muqdisho intii umadeeda  lagu xadgudbi lahaa xuquuqdoodana la  duudsiyi lahaa. Waxuu yidhi abwaan  cali jaamac haabiil A.U N

Walaal aan mushaawiro lahayn malihi baa dhaanta

Xidid aan murwaad wacan lahayn ma lihi baa dhaanta

Macsuumada qaarkood  lafa aad maraqsataa dhaanta

Marwo hadal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta ,

Madi cararta maqasheeda koris minowsan baa dhaanta ,

Waxaan xigmadan u soo qaatay  hal kelmadoo ku jirta(Macsuumadaha qaarkood laf aad maraqsataa dhaanta)  Macsuumad aadan mudnaan iyo maamuus iyo milge midna ku lahayn oo kuuma yeedhine aduunbaa yimid aad ku tagto, laf yaroo aad gurigaaga ku karsato ayaa dhaanta oo aad sharaf iyo maamuus ku maraqsato .

Sidaa awgeed  haddii caasimadu tahay  ha lagu dhaxlo xaqaagana halagaala wareego waxaa dhaanta in caasimada magaceedu wareego dhulkeeduna dadkii iska lahaa ee maamushaan kuna nabadgalaan  ka badan 2000 sano  ka soo bilow qarnigii labaad ee milaadiga  ku dhawaad  18_19 qarni nin dhulkuu degaanaa ee ku noolaa ee ab ka ab ka dhaxlay la yidhi daar aan shalay ( Booli Qaran ) Ka dhistay amase Burbur ku naaxii 20 ka sano ayaan kugula wadaagayaa  waa waxaan caqliga geli karayn  ibnu aadam ilaahay abuurtayna ka daadegayn.

Federaalku maaha  (Kaygana annaa iska leh, Kaagana kula lihi ) ee waa xaalad dalka iyo dadka loogu talogalay in lagaga saaro dowlad la,aanta, ( Haani gunbay ka tolantaa ) in qolo weliba deegaankeeda nabadayso, horumariso, iyaduna ku amaan hesho, dadka la deriska ah ka amaan helaan tartan  siyaasadeed iyo bulshona dhexmaro  dowlada dhexena hadba deegaankii liita dhinaca dhaqaale ama awoodeed ka caawiso cashuurta ayay gobolada ka qaaday iyo dakhliga dowlada dhexe  waa sida caadiga ah , Federaalku waa in gobol walba maamul hoosaaskiida la siiyaa, Baarlamaanka, Ciidanka, Lacagta , Calanka iyo waxyaabaha aas aasiga ahna ka dhaxeeyaan  Gobolada .

Federaalku maaha  , in madaxda dowlad ka taliso, gobolada qaarkood qaarkoodna aysan waxba ka odhan karin sida haddaba ka dhacaysa Gobolka Banaadir Iyo Hiiraan Shabeelada dhexe  oo aad moodo inay dowlada federaalka ahi leedahay iyada oo aan awood u lahayn ka hadal gobolada  kale Galguduud , Mudug , Barri  iyo Nugaal oo iyagu ah marjaca loo noqdo ,  Waa inay madaxda dowladu daba gashaa, maamushaa wax ku dartaa wax ka bedeshaa si isku mida   dhamaan maamulgoboleedyada,  maaha in maamul goboleedyada madaxdooda dalka wax laga weydiiyo waa in dalka waxii ku soo kordha dowlada dhexe  ama ku meelgaadhku  go,aan ka gaadhaa  gobol walba waa inuu ku kalsoonadaa xubnaha baarlamaanka ugu jira.

Qormooyinkayga danbe ayaan kaga hadli doonaa , qaabka ay u dhaqanto dowlada ku meel gaadhka ah iyo maamulgoboleedyadu oo labaduba aan waafaqsanayn axdiga ku meelgaarka ah arimahaas iyo arimo kale  inshalaah.

Waxaan kale oo u sheegayaa qolyahay dastuurka hawshiisa wada hore umadda soomaaliyeed way  direen  fariintaa  inaysan  cadaalad daro xukmin inaysan xuquuqda shacabka soomaaliyeed ku xadgudbin inaysan nina waxuu leeyahay hantida guud iyo mida gaara nin kale uga qaadin inaysan colaad iyo cadaawad hor leh abuurin oo dalka burburku ka daalay inta hadha duminin dalkan waxaa sidaa u galay waa cadaalad daro, sed bursi, nin jeclaysi, iyo qabyaalad inaysan uga sii darin .

Qolada dastuurka hawshiisa wadaa waxaad moodaa in daaha dabadiisa laga hagayo  xaqiiqiyan dalkan  dastuur iyo nidaamba waa u degsan yahay kii lixdankii ayaa yaala kan axdi qarameedka hada ah oo is waafaqsan ayaa yaala , waxaa hada  dalka marxalad cusub loo gelinayo maaha daruuri waa dan aan weli gunteedii la gaadhin.

Ninbaa waxuu ku doodayaa (Daar ama Sar) ayaa xamar iigu dhisnayd  iyada oo la ogyahay daaraha qaar sida iyo qaabka  lagu dhisay  dhulka ay ku taalo daartaasina ku yimid oo intooda badan aysan waafaqsanayn sharciga , qaarkood  lagu siiyay  xoog iyo xeelad iyo nin jeclaysi waana waxa sababay  in dagaalka 20ka sano soconayaa  ka dhaco soomaaliya  waa waxii sababay  in dadka shacabka ahi taageeraan  jabhado ku dhisan qabiil iyaga oo u arkay hagardaamadii iyo dhibaatadii lagu hayay xal  ay uga gudbi karaan.

Tusaale ahaan ninka ku doodaya dhul ama dhisme  20×20 mitir ah illaa  haddana  ka samri waayay   meel walbana  la taagan dhulbaa layga dhacay , haddana cadaalad xumadiisa waxuu doonayaa  inuu duudsiyo oo ka dhigo waxaan jirin dhul gaaraya  boqolaal km, waxaase is weydiin leh haddaan wadamada deriska ah ama kuwa carbeed ama kuwa galbeedka ee qaxa lagu tegay guri ka dhistay ama apartment ka iibsado ma dhulkaan dadkii lahaa iyo magacooda kagala wareegi karaa mise shaqsi umad meel degayd la soo degay ayaan ahay.dhulkaas ama dhismahaas  haddaad buuxin waydo shuruudaha looga baahanyahay qofka degan deegaankaas

haddii loo baahdona dowladu way ka ceshan kartaa dhulkaa hantidii iyo qarashkii kaa galay ayaana loo celinayaa  balse ninka deegaanka  ah hadduu xadgudub la yimaado ciqaabta halkaasuu ku marayaa  xagee loo celinayaa waa meelna ileen waa dhulkiisiiye daaraha xamar ee burburay badidoodana xaaraanta lagu dhisay  laguma mulkiyayo  shuraakona lagulama noqon karo umada deegaanka iska leh waana wax cad  taasi oo aan cidnaba caad ka saarnayn. Nin ragina waa ogyahay nacasna loo sheegi maayo.

 

Waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa nimanka telefishinada  la fadhiya  hanjabaada iyo booli xooftada  iyo warka aan  ujeedo iyo ka jeedo toona lahayn  maxay  shalay xamar u joogi waayeen  hadday umadda ka dhaxayso , ee dadkii u dhashay keliya ku reebay dhulka ilaa haddana ay dhib kasta ugu dulqaadanayaan maxaa looga cararay hadday dadka u dhaxaysay maa dhibka la wada xamilo, Timir lafbaa ku jirtaa  ninkii aan deegaan kale lahayn  ee baradiisa iyo baydkiisa iyo dalkiisa ilaahay ka dhigay  waxii masiibo ka dhacayay  dhabarkuu u dhigtay ma maanta markay nabad ka soo iftiintaa la wada yeeshay  shalay waxay ahayd meel laysku caayo oo la yidhaahdo dadka deegaanku may nabadeeyaan oo sidan wax ka bedelaan maanta waxaa timid waa la wada leeyahay , warkii hore war soo dhaaf

Waxii ilaahay ku siiyo, dad iyo duunyo , deegaan waa lagu kalsoonaadaa  waana la jeclaadaa  bal eega dad ilaahay waxuu dejiyey dhulka kaymaha ah ee aasiya iyo Laatiin amerika  iyo Austrelia  dadna ilaahay waxuu ku beeray saxaraha  aan biyo iyo baad toona lahayn haddana qolo walba meeshaada ilaahay ku arsaaqay  maxaa u diiday umada soomaaliyeed inay

qaabkan u noolaadaan.

Fiiro Gaar ah:-

Qoraalkan  waxuu daba socdaa  doodii telefishanka universal tv ee muqdisho yaa iska leh

Waxuu kale oo cadayn u yahay  in umadda soomaaliyeed deegaamo kala duwan oo balaadhan kala degaan aysana jirin duruuf maanta deegaan laysugu qabsado  wabilaahi tawfiiq

 

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!